Xaalada Kismaayo Oo Maalintii 3-aad Kacsan Iyo Xaafadaha Oo Hub Culus Lagu Arkayo.

0

Dagal-kismayoKismaayo(AGGM) Ma jiraan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo ka jiraa Magaalada kismaayo,mana jiraan wax isu socod ah oo ka jira magaalada hadii ay shacab ahaan lahayd,Magaaladu waxay isu bedeshay meel 20 sano ka hor laga guurey,Kismaayo markaad maanta indhaha la raacdo laga yaabo inay indhahaagu qabtaan 5 ruux oo shacab ah isla markaasna meel wada taagan.

Indhahaagu waxay qabanayaan ciidamo aad u badan kuwaasi oo wado kasta taagan isla markaasna ku hubeysan hub aad u culus oo ay ka mid yihiin gantaalaha garbaha laga tuuro,kooxaha isku haya Magaalada kismaayo ayaa wada abaabulo ciidan oo xoogan wadooyinka qaarkood waxaad arkaysaa gaadiidka dagaalka oo xawaare ku maraya.

Saaka waxaa soo baxay wararka sheegaya in Ciidamada kiiniya ee Garoonka kismaayo ku sugan ay sheegeen inay weerari doonaan kooxaha Magaalada inteeda badan gacanta ku haya isla markaasna ka soo horjeeda Jabhadda Raaskambooni balse markii warkaasi soo baxay, dhamaan shacabkii Magaalada kismaayo waxay la soo baxeen qoryahooda,waxaana saarteen saraha dhaadheer isla markaasna ku balameen in la dab saaro hadii la arko hal gaari oo ciidamada kiiniya leeyihiin kuna soo wajahan xaafadaha laga saarey raaskambooni.

Arrintaasi ka dib waxaa la sheegey in Taliska Ciidamada Amisom ee Muqdisho farin adag u soo direy Taliska Ciidamada Kiiniya ee ku sugan kismaayo isla markaasna lagu war geliyey inaysan ka qayb qaadan xiisadaha ka taagan Magaalada Kismaayo,hadalkan ka soo yeerey ciidamada kiiniya ee ku aadan inay weerarayaan xoogaga ka soo horjeeda jabhadda Raaskambooni ayaa farxad galiyey xoogagaas ka soo horjeeda isla markaasna waxay sheegeen inay ku xisaabtami doonaan hubka ciidamada kiiniya kana furan doonaan.

Jabhadda Raaskambooni iyo Maamulkeedi ayaa dulsaar ku ah ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan garoonka diyaaradaha,waxaana ay la yaaban yihiin nimankan maamulka sheeganaya ee Maalin kasta magaalada laga bursanayo taasi oo ay Saraakisha kiiniya ku mashquulsan yihiin waxyaalaha sababay.

Si kastey ahaataba Xaalada ayaa ah mid kacsan isla markaasna laga cabsi qabo inay dagaalo kale dhawaan ku dhexmaraan kooxaha iska soo horjeeda,waxaana la sheegayaa in kooxaha iska soo horjeeda ay kala helayaan gurmadyo kala duwan iyo hubab ay ka kala helayaan dadka degaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com