Kismaayo(AGGM) Afhayeenkii Falaagada Alshabab ayaa la sheegayaa inuu maanta iska soo dhiibayo Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana la sheegayaa inuu dhex marey xiriir dhinaca telefoonka ah isaga iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada federaalka ah.
Abu Mansuur oo ka mid ahaa raggii ugu sar sareyeey ee dawlada Mareykanku soo qabashadiisa lacagaha badan dul dhigeen ayaa la sheegayaa inuu maanta ku sugan yahay meel u jirta Magaalada baydhabo 15 Km isla markaasna doonayo inuu gudaha u gallo Magaalada baydhabo halkaasi oo ay ka socoto soo dhaweyntiisu.
Abu Mansuur iyo rag la socdaa waxay hadda ku sugan yihiin duleedka Magaalada Baydhabo gaar ahaan degaanka Habaare isagoo wata gaadiid dagaal oo lagu sheegey tiradooda in ka badan 15 gaadiidka dagaalka ah,waxaana ay la shaacinayaa inuu xiriir la soo sameeyey masuuliyiin dawlada federaalka ka tirsan kuwaasi oo uu ka codsaday inay gacan u fidiyaan.
Alshabab ayaa u muuqda kuwo gabalkoodu dhacay isla markaasna hadda madaxdoodi ugu sar sareysay ay isa soo dhiibayaan iyadoo maalmihi la soo dhaafay Shiikh Xasan Daahir Aweys isa soo dhiibay isla markaasna hadda ku sugan yahay Magaalada Cadaado ee Dhinaca gobollada Dhexe.
Lama oga in Is soo dhiibitaanka Abu Mansuur uu saameyn wayn ku yeelan doono kooxda Alshabaab oo calankoodii dhacay isla markaasna hadda u kala firiray dhamaan daafaha caalamka,waxaana la sheegayaa inay qaar badan oo ajaaniib ahi ka baxeen dalka isla markaasna u hanqal taagayaan inay u baxsadaan wadamada deriska ah si ay ugu gudbaan dalalkoodi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com