Muqdisho(AGGM) Waxaa dhintay qaar kamid ah Saraakiishii sar sare ee Kooxda Shabaab kadib dagaal isla Shabaab ku dhexmaray gobolka Sh/Hoose gaar ahaan magaalada Baraawe. Axmed Godabe oo gudaha Shabaab looga yaaan Abuu Zubeyr ayaa sheegayin uu bixiyay amarka lagu gowracay saraakiil sare iyo kuwa dhexe oo Shabaab ahaa.
Sargaalkan ayaa ahaa madaxii maxkamada riday xukunka ah in ladilo Macalin Burhaan iyo Ibraahim Afgan oo ka horyimid siyaasadiisa. Axmed Godane ayaa sheegay in Ragaan ay ka hor yimaadeen fikirkii ay ku mideysnaayeen ee ahaa in la dagaalamo oo gudaha Shabaab ay noqdaan kuwa aan wax khilaaf ah ka dhex dhicin.
“Waxa Soomaaliya loo yimid waa in dadka lagu dhaqo Shareecda Islaamka iyagana taas ayaa la marsiiyay”ayuu sheegay Axmed Godane oo ah Hogaamiyaha Shabaab taageero buuxdana ka haysta kooxda loogu yeero amniyaadka Shabaab.
Xubnaha ku maqan gacanta hogaamiyaha Shabaab waxaa ku jira nin magaciisa lagu sheegay Sh Samatar, waxaana lagu dilay Degmada Baraawe, Samatar waxuu ka mid ahaa dadki xabsiyada Shabaab horay ugu jiray oo ay ka cabanayeen ragga hada la laayay.
Xogta la helayo ayaa waxaa ay sheegaysaa in Khilafka ugu xooggan ee Shabaab uu ka dhex dhashay ragaas xirnaa taas oo oo ay diidanaayeen Saraakiishan hada ladilay.
Sh Samatar ayaa jagooyin badan kaso qabtay Kooxda Shabaab, waxuu mar ahaa madaxii caafimaadka, sidoo kale waxuu noqday madaxii dacwada ee Kooxdaas. Sh Samatar aya ka yimid Mareykanka si uu ugu biiro dagaalka ay Shabaab ka wadaan gudaha Soomaaliya sida ay cadaynayso warbixinadii ugu danbeeyay. sido kale waxaa na soo gaartay in habeenkii Khamiista soo galaysay xabsiga degmada Baraawe ay Al-Shabaab kala baxeen rag kale oo la rumaysan yahay in la dilay.
Ragga ladilay ayaa waxa loo layey waxa ka mid ah inay kashifeen xog qarsooneed oo ka jirtay gudaha maamulada hoos taga Kooxdaas Shabaab. Waxay sheegen in xabsiyadda ay ka buuxan rag badan oo Soommaaliya uyimid inay dagaalamaan iyo sidoo kale in rag badanna lagu dilay si qarsoodi ah, ragne la musaafuriyey oo ay la wareegen dad lagu sheegay gaalo Ragga la khaarijiyey ayaa hadaladooda waxa ka mid in xita iyagu ay wajihi doonaan dil haddi hoganka AL-qaacida usoo gurman wayeen oo ay soo faro galin wayaan waxa dhacaya.
Xog aruurintii aan wadnay ayaa waxaan kuso xaqiijinay in la dilay Zubeyr Al muhaajir oo ka mid aha raggi dibadda uga yimid inay ka bar bar dagaalamaan Kooxda SHabaab, waxuuna sargaalkaas ahaa madaxii ugu sareeyay ee Maxkamda Shabaab. Xasan Daahir Aweys iyo Sh Roobow Abuu Mansuur ayaa si xoog ah kaga baxsaday gudaha Baraawe maadaama ay kasoo jeedaan beello hubaysan sidoo kalana ay haystaan ciidamo aad ubadan.
Ugu dambeyntii xubno uu kamid yahay Cali Dheere ayaanan la aqoon halka ay siyaasadooda jirto inkastoo warar si hoose loo helay ay sheegayaan in Cali Dheere iyo Fu’aad Shangole ay la safan yihiin Axmed Godane.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com