Dawladda Oo Ka Hadashay Dagaaladii Kismaayo Kuna Baaqday In Dagaalada La Joojiyo

0

Dagal-kismayoMuqdisho(AGGM) Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay inay dib u soo laabtaan dagaalada magaalada Kismaayo, iyadoo ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo colaada macna darada ee ku daadanaya dhiiga dad Soomaaliyed. Waxaana dawladdu dagaalada soo noqnoqnaya ku tilmaamtey nasiib darro.

La taliyaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Eng. C/raxmaan yariisow ayaa sheegay in horay dowladda ugu dhawaaqday in colaadaha Kismaayo la joojiyo. waxaana uu daaha ka qaaday in dawladu ka xun tahay dhiiga shacabka soomaaliyeed ee daadanaya.

“Madaxweynaha horay ayuu ugu dhawaaqay in colaadaha Kismaayo la joojiyo, dowladda ma aqbaleyso colaad beeleed iyo maleeshiyaad hubeysan”ayuu yiri Eng, Yariisow oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da.

Eng. Yariisow ayaa beeniyay eedeymaha loo jeedinayo dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in colaadaha ka jira Kismaayo ay dowladda hurineyso, isagoo xusay in warkaas aanay waxba ka jirin.

“Waa waxba kama jiraan in arrimaha colaada lagu eedeeyo dowladda, waa mar marsiiyo, dowladda marnaba ma taageereyso colaad, mar walba nabadeyn iyo dib u heshiisiin ayay dooneysaa”ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in dhowaan la iclaamin doono shirweynaha dib u heshiisiinta ee looga hadlayo Jubooyinka iyo Gedo, isagoo xusay inay bilowdeen wada hadaladii ku saabsanaa arrimahaas.

Shalay ayay aheyd markii dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale uu ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu Dambeyntii xaalada magaalada ayaa ah mid degan, inkastoo laga cabsi qabo in mar kale dib u soo laabato dagaal dhex mara dhinacyada ku wada sugan magaalada qaybo ka mid ah,waxaana laga cabsi qabaa inay maanta mar kale oo dagalaamaan kooxaha dagaalamay shalay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com