Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan munaasabadda 26ka Juun.
Madaxweynaha oo ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasmay oo ka dhacday Madaxtooyada oo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeennada, Wasiiradda, Xildhibaanada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo marti sharaf kale ayuu madaxweynahu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasibadda maalintii xornimada ay qaateen gobolada Waqooyi oo aheyd 26kii Juun 1960.
Madaxweynahu waxuu yiri “53 sano ka hor ayey aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed horseed ka noqdeen halgankii lagu helay xornimada, midnimada, qaranimada isla markaana kor u qaaday sharafkii iyo karaamadii shaqsiga Soomaaliga ah. 53 sano dadku wey ka waxbarasho yaraayeen maanta, weyna ka dhaqaale yaraayeen, hase yeeshee waxaa jirtay geesinimo, waddan jaceyl iyo midnimo xoogan.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey in “Maanta ay muuqato ifafaallo rajo weyn na siineysa inaan marxaladdan adag si wadajir ah uga baxno. Wallaalaheen Waqooyiga waxey 53 sano ka hor la yimaadeen aragti dheer oo ay midnimada ummadda Soomaaliyeed uga dhigeen mid muqadas ah oo aan la taaban Karin, waana uga mahadcelineynaa dadaalkaas iyo aragtidaas fog.”
Madaxweynahu waxuu sheegey in tafaraaruqa, qabyaaladda iyo danaha gaarka ah uusan xalku ku jirin oo loo baahanyahay Qaranimo, midnimo, wallaaltinimo iyo dowlad jaceyl na gaarsiin karta marxalad shaqsiga Soomaaliga ah uu sharaftiisa iyo karaamadiisa kor u qaadeysa.
Madaxweynaha ayaa xafladda ka dib salaam sharaf ka qaatay ciidamada isla markaana calankii lagu saaray goobtaas oo si qiiro waddaninimo leh ay ka wada muuqatay dhammaan ka soo qeybgalayaashii xafladii calan saarka iyo munaasabadii 26ka Juun.
– DHAMAAD –