Axmed Madoobe Oo La Kulmi Doona Wasiiru Dawlaha Madaxtooyadda Soomaaliya

0

1003771_616440925041351_1190263897_nAddis Ababa (AGGM) Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya waxaa shalay gelinkii dambe gaaray hogaanka Jabhadda Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhawaan waji gabax kala soo kulmay mar uu Addis Ababa tagay,waxaana la sheegey in ku noqoshadiisa ay sababtey xiriir dhex maray madaxda dawlada soomaaliya iyo tan Itoobiya.

Horjooge Axmed Madoobe waxaa uu la kulmi doonaa Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya isla markaasna waxaa laga wada hadli doonaan xaalada Kismaayo gaar ahaan Arrimaha Dekedda,Airport-ka & Dhuxul si sharci darro ah looga dhoofiyo Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiiyooyin kala aragti ahi.

Kulankan oo ay goob joogeyaal ka noqonayaan Saraakiil ka tirsan dawlada itoobiya ayaa lagu sheegayaa inuu Axmed Madoobe dhamaan xarumaha muhiimka ah sida Dekedda Iyo Airport uu ku wareejiyo ciidamada dawlada federaalka ah ee ku sugan Magaalada Kismaayo sidoo kalena ciidamada raaskambooni lagu xereyo xero ku taala duleedka Kismaayo si tababar loogu furo.

Dhinaca kale Wasiiru dawlaha Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Saraakisha Itoobiya ayaa Axmed Madoobe ku qancinaya inuu noqdo gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Gobollada Jubooyinka inta Maamul loo dhan yahay laga dhisi doono Gobolladaasi,waxaana la sheegay inay cadaadis xoogan saarayaan Saraakisha dawlada itoobiya ee kulankaasi ka qayb galaysaa.

Dhinaca kale Wasiiru dawladaha Madaxtooyadda ayaa la sheegay inuu Magaalada kismaayo imaanayo maalmaha soo socda marka uu soo dhamaado kulanka uu la yeelanayo Axmed Madoobe,waxaana la shaacinaya inuu kulamo kale Magaalada kismaayo kula qaadan doono Dhawr Madaxweyne oo iyagu ku sugan magaalada kismaayo isla markaasna ku doodaya inay yihiin Madaxweyneyaal si sharci ah lagu soo doortey.

Arrintani waxay ku soo aadaysaa iyadoo uu shalay sarkaal sare oo ka mid ah ciidanka Kenya odayaasha qabaailka Kismaayo u sheegay in aysan aqoonsanayn dhamaan madaxweynayaasha Jubaland isla markaasna aan wax madaxweyne ahi ka jirin gobollada jubooyinka iyo Gedo.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu noqdo Gudoomiye Maqaar-saar ah mudo lix bilood ah isla markaasna doorasho lagu qabto Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu soo dhisi doono Maamul dhameystiran oo dhidibada loo taagay. Dhan kale dhawaan ayey ahayd markii uu safar ku tagey Axmed Madoobe Magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu waayey cid ku qaabisha isla markaasna iska noqdey iyadoo digniin lagu siiyey inuusan la kulmi karin Saraakisha dawlada itoobiya ee ku sugan Addis Ababa isla markaasna lagu wargeliyey inuusan tagi karin Magaalada Jigjiga oo uu ku hanweynaa inuu tago.

faroole-iyo-axmed-madoobe1003771_616440925041351_1190263897_n