Ridwaan Xaaji Cabdiwali Oo Loo Magacaabay Afhayeenka Raisalwasaaraha Soomaaliya

0

untitled1_139861028Muqdisho(AGGM) Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan bahda Saxaafada ayaa maanta loo magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka mid ah xafiisyada hey’adaha ugu sareeya dowladda,waxaana lagu wadaa inuu shaqada bilaabo maalmaha soo socda.

Ridwaan Xaaji Cabdwali oo horay ugu soo shaqeeyay telefishinka caanka ah ee Universal Tv iyo warbaahino kale ayaa noqonaya Afhayeenka rasmiga ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon. Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa ah nin aad ugu horumaray dhinaca saxafadda isla markaasna ka soo bixi kara shaqada loo magacaabay.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Mr Ridwaan oo ku sugan Muqdisho uu yahay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana uu ku soo biirayaa afhayeenada ay leeyihiin madaxda dowladda soomaaliya kuwaasi oo xafiisyo gaar u ah ku leh Xaruntada Madaxtooyada villa Soomaaliya.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay leedahay Wasiir warfaafin iyo labo kuxigeen, ayaa hadana Afhayeenkan cusub howshiisa noqon doonta mid ku eg Xafiiska howlaha Ra’iisul Wasaaraha isla markaasna ku hadla afka raisalwasaaraha,waxaana arrintan soo dhaweeyey madaxda dawlada soomaaliya.

Ugu dambeyntii madaxdii soo maray dalka iyo Xukuumadihii ka horeeyay ayaa lahaa Afhayeeno dhowr ah, iyadoo mararka qaar lagu jahwareeri jiray xilliyadii hore afhayeenada dowladda oo isugu jiray heer hoose iyo heer sare. Balse waxaa lagu wadaa in Ridwaan Xaaji Cabdiwali uu noqdo Afhayeenkii ugu horeyey ee Xafiiska Raisalwasaaraha soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com