Muqisho(AGGM) Magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa xalay markii labaad ka dhacay dagaalo culus oo u dhexeyey ciidamada dawlada federaalka ah iyo fagaalada Alshabaab waxaana dagaaladaasi ahayeen kuwo khalkhal galiyey dhamaan dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyadoo dhawaqa rasaasta si weyn loo maqlayey.
Kooxda Alshabab ayaa la sheegey inay xalay weerar ku qaadeen gudoomiyaha Magaalada baydhabo Maxamed Xasan Bikolo hoyga uu ka degan yahay Magaalada Baydhabo,waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac soo kala gaaray.
Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Biikole ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday uu iska difaacay.Waxaana uu shaaciyey inay dileen tiro ka tirsan falaagada Alshabaab isla markaasna maydkooda ay gacanta ku hayaan,waxanaa uu shaaciyey in ciidamadiisu ay talaabo adag ka qaadeen kooxdii weerarka soo qaaday.
Ugu dambeyntii saraakiisha ammaanka magaalada ayaa sheegay in la bilaabi doono howl galo soconaya muddo saddex maalmood oo lagu sugayo amniga. Waa habeenkii labaad oo dagaalo ka dhaca magaalada Baydhabo, iyadoo dadka deegaanka habeenadii la soo dhaafay ay xabsi la soo deristay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com