London(AGGM) Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna ku qalinjabinaayeen Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan ka baxday jaamacadaha Dalka Hindiya, ayaa lagu qabtay Magaalada Hyderabad ee Dalkan Hindiya.
Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee (Surad students and Community Organisation) ayaa waxaa ka soo qeybgalay Maamullada jaamacadaha, waalidiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Hyderabad.
Ardayda Qalinjabinaysay oo isugu jirtay Darajooyinka Master-ka iyo Bachelor degree-ga ayaa waxaa ay ka kala qalin jabinaayeen kulliyadaha Dhaqaalaha, IT, Nursing, iyo kulliyaddo kale.
Xafladda oo laga soo jeediyey haddalo Bogaadin iyo dardaaran u badnaa, ayaa waxaa ugu Horeyntii ka hadlay Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Hindiya, Suheyb Cilmi Dhuxulow oo u hambalyeey Ardayda qalinjabinaysa, Isagoo xusay in Ururka Ardayda Soomaaliyeed uu Gacan weyn ka geystay Sidii ay u qabsoomi lahayd Xafladani.
Prof. B. Laxmaiah oo ka socday Jaamacadda Osmania University Kana mid ahaa Masuuliyiintii Munaasabadan ka hadashay, ayaa ku guubaabiyey Ardayda qalinjabinaysay inay Dadaalka halkooda ka sii wadaan si ay uga guul keenaan hamigooda.
“Wali waxaad tihiin, dhalinyaro da’ yar oo maskax furan, Waa inaad ka faa’iidaysataan Dhalinyaranimadiina oo aad waxbarashadda halkiina ka sii wadaan, Si aad ugu anfacdaan naftiina iyo tan dadkiinaba”, ayuu yiri Prof. B. Laxmaiah.
Prof. Mohamed Abdulkhafur oo isna ka socday Jaamacadda Reliance Degree College ayaa ku amaanay Ardayda Soomaaliyeed Dadaalkooda iyo hamiga ay u qabaan waxbarashadda. waxaana uu xusay in tobankii sano ee ugu dambeyeey, ay Ardayda soomaaliyeed kaalin fir fircoon kaga jireen Jaamacadaha Dalkan Hindiya.
Sidoo kale, Axmednuur Cali Jaamac oo ku hadlay magaca Waalidiinta ayaa kula dar daarmay ardayda in waxa ay barteen ay uga faa’iideeyaan dadkooda, Islamarkaana ay maanka ku hayaan in Dalkoodu uu baahan yahay.
Liibaan Cusmaan Cali oo isna ku hadlay Magaca Ardayda qalinjabinaysay ayaa Tix yar oo gabay ah ku guubaabiyey Ardayda. Waxaana uu sheegay in waxbarshaddu aanay dhammaan, Ardaydana looga baahan yahay, inay dadaalkooda laba jibaaraan.
Sanad waliba waxaa Jaamacadaha Dalkan Hindiya ka qalinjabiya Boqollaal arday Soomaaliyeed ah oo ka baxa kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadduhu ay bixiyaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com