Nairobi (AGGM): Dowladda Britain ayaa lacago ugu deqday ciidamada badda ee dalkani Kenya si loo xoojiyo ilaalinta badda dalka .
Danjiraha dowladda Britain u fadhiya dalka Kenya Christian Turner ayaa ku wareejiyay 21 milyan oo shiling waaxda ciidamada badda ee dalka.
Mr Turner iyo waaxda ciidmada badda dalka Kenya ayaa waxa ay sidoo kale saxiixdeen heshiis socon doona mudo 3 sano ah .
Heshiiska ayaa waxaaa ka mid ah in dowlada Biriten ay tababar u fidiso ciidamada badda ee dalka Kenya islamarkana ay taageero kale oo dhanka xirfadaha ay siiso.
Mr Turner ayaa farta ku fiiqay in amaanka xeebta Kenya oo adkeeyo ay xitaa soo jiidanayso dalxiisayaasha caalamaka.
Danjiraha dowladda Britain u fadhiya dalka Kenya Christian Turner ayaa ku tilmaamay in tilaabadni ay qayb ka tahay la dagaalanka burcad badeeda badwaynta Indiya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com