Muqdisho(AGGM) Shirka dib u habeeynta waxbarshada dalka oo socon doona muddo Sadex maalmood ah ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho kaasoo ay xarigga ka jarayaan madaxda sare ee Qaranka.Waxaana shirkaasi ka qayb qaadanaya Wefti badan oo meelo badan ka kala yimi.
Qanban qaabadii ugu dambeysay oo ku aadan furitaanka shirweynaha dib u habeynta waxbarashada Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan, Madaxda sare ee dowladda, Dalladaha Waxbarasho ee dalka ka jira, Ururrada Bulshada, iyo wakiillo ka kala socda gobollada dalkeenna ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho kaasoo looga hadli doono sidii loo hagaajin lahaa guud ahaan waxbarashada Soomaaliya, isla markaana loo mideeyn lahaa Manaahijta waxbarashada.
Shirkan ayaa socon doono muddo Saddex maalmood ah, iyadoo ka qeybgalayaashu ka doodi doonaan, qodobbo ay ka mid yihiin, sida loo furi karo waddo cusub oo loo maro horumarinta Waxbarashada Soomaaliya, sidii dib loogu furi lahaa xarumihii waxbarashada dowladda ee bur buray, kuwa cusubna loogu biirin lahaa, sida ay sheegtay wasiirka Horumarint adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya.
Ugu dambeyntiis shirka ayaa ahmiyad weyn lagu siin doonaa in ay hirgalaan dhammaan waxyaabaha looga wada hadlay, isla markaana la kobciyo heerka Waxbarasho ee Soomaaliya, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday in la taageero shirweynaha Qaranka ee dib u habeynta Waxbarashada Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com