Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Ku Soo Wajahan Nairobi

0

mail.google.com1Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugnaayeen magaalada London ayaa xalay soo gebagebeeyey socdaalkiisii shaqo oo ay ku joogeen dalka Britain,  ayadoo Madaxweynahana intii uu halkaasi ku sugnaa uu kulammo la qaatay madaxda sare ee Boqortooyada Ingiriiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqanayay dalka Britain kadib markii uu caasuumaad rasmi ah ka helay boqoradda dalka Ingiriiska ayaa soo gebagebeeyay booqashadisi habeenkii xalay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada London waxa ay ka qeybgaleen munaasabadda Boqortooyada dalka Ingiriiska, iyadoo madaxweynaha uu kulan gaar ah la qaatay R/wasaaraha dalkaasi iyagoo ka wadahadlay arrimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii dowlada Biritain ay u sii kordhin laheyd taageerada ay la garabtaagantahay dowlada Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen London waxa ay ka qeygaleen shir hordhac ah oo wadamada ku horumaray dhinaca Warshada ee loo yaqaano G-8. Ku yeesheen London,  Wuxuuna madaxweynuhu shirkaasi ka jeediyay khudbad ku saabsan xaalada dalkeena Soomaaliya iyo isbedelka iminka ka jira,  iyo sida ay lagama maarna u tahay in la sii kordhiyo taageerada caalmka.

Ugu Dambeyntii madaxweynaha Jmahuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalada Nairobi isagoo ka soo ambabaxay magaalada London ee dalka Baritain. Waxaana Hadda Nairobi ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com