Muqdisho(AGGM) Wafdigan uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeeybdiid ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho waxaan garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyeey mas’uuliyiin iyo saraakil ka tirsan dowlada federalka ah ee Soomaaliya .
Ujeedada imaatinka madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ah sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka wada tashiga ah oo loo qabanaya maamullada iyo aayaha shacbaka gobolada dhexe ee Soomaaliya .
Kadib imaatinkisa shir jaraaid oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha ayaa waxaa uu kaga war bixiyey shirka ay ka qeyb gali doonaan kaasi oo ka dhacaya magaalada muqdisho,isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb galka shirkan oo ah mid muhiim ah gobollada dhexe.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galaya mas’uuliyiinta maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolladaasi
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka mujiyey in natiijooyin wax ku ool u ah shacabka gobollada dhexe ay ka soo bixi doonaan shirka ka dhacay magaalada muqdisho. Waxaana uu sheegey in shirkaasi uu yahay mid ay ku faa’iidi doonaan Shacabka soomaaliyeed gobolkasta oo ay ku nool yihiin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com