Kismaayo(AGGM) Maanta duhurnimadii waxaa iska hor imaad kooban magaalada kismaayo ku dhexmaray ciidamada dawlada federaalka ah iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni,waxaana iska hor imaadkaasi sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaarey dhinaca Jabhadda Raaskambooni.
Iska hor imaadkan ayaa maanta ka dhacay Afafka hore ee Guriga Gobolka ee K2,waxaana la sheegey in laba ciidan oo ka kala tirsan Dawlada Iyo Raaskambooni halkaasi iskaga hor yimaadeen isla markaasna kala shakiyeen,waxaana la sheegayaa in ciidamada dawladu rasaasta ku horeyeen isla markaasna dileen laba ka mid ah ciidamada Jabhada Raaskambooni,waxaana dhaawac soo gaarey mid kale.
Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in ciidamada dawladu ka qaateen hubkii ay wateen ciidamada ay dileen,waxaana la sheegayaa in ciidamada dawladu sidoo kale xireen wadooyinka muhiim ah sida wadada laamiga ah ee Aargada,waxaana ciidamadaasi yihiin kuwa degan Warshadii hilibka ee Magaalada Kismaayo.
Gaadiidka dagaalka ayaa la arkayaa oo ilaa galabta ku xiran bartamaha laamiga Xaafada Somali Star halkaasi oo lagu arkayo ciidamo badan oo kuwa dawlada federaalka ah oo halkaasi xirey isla markaasna aan la aqoon waxyaabaha rasmiga ah ee ay tabanayaan,Waxaana wararku sheegayaan inay halkaasi gaareen ciidamo kale oo uu horkacayo Istiin Xasan Baasto oo dhawaan la dagaalamay Raaskambooniyiinta.
Ciidamada dawlada federaalka ayaa la xaqiijinayaan inay sheegeen inaysan wadadaasi furmi doonin ilaa amar dambe waxaana laga cabsi qabaa iska hor imaadyo dhexmara Kooxaha raaskambooniyiinta iyo Ciidamada dawlada federaalka ah,waxaana wali kismaayo ka taagan xiisado colaadeed oo aan wali la xalin.
Ugu dambeyntii waxaa talaabadan ciidamada dawladu maanta qaadeen ku soo beegmaysaa xilli uu maanta Magaalada kismaayo ka dhoofey horjoogaha raaskambooni iyo wefti uu hogaaminayo kuwaasi oo looga yeerey Addis Ababa si wax looga waydiiyo arrimo la xiriira in ciidamadiisa ay ku jiraan qaar ka tirsan kooxda ONLF ee itoobiya la dagaalantaa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com