London(AGGM) Doorashadii dalka iiraan oo maanta dhacday ayaa la sheegey in lagu kala awood batey isla markaasna dalka Iiraan uu yeeshay Madaxweyne cusub kaasi oo lagu Magacaabo Xasan Rooxaani,waxaana la sheegey in Xasan Rooxaani uu ku guuleystey cod aqlabiyad ah,taasi oo u sahashay in uu madaxweynaha dalka Iiraan noqdo.
Xasan Rooxaani ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha dalka Iiraan ka dib markii uu helay codad ka badan 50% taasoo meesha ka saareysa in wareeg labaad oo doorasho ah iyadoo Duqii hore ee Tahran Maxamed Baqer oo ahaa Musharaxa ugu dhow ee kaalinta 2aad galay.
Mustafa Maxamed Najir Wasiirka Arrimaha Gudaha Iran ayaa ku dhawaqey in Rouhani ku guuleystey codad gaaraya 18,613,329 milyan oo cod iyada oo codadka la dhiibtey dhamaantood ay gaarayeen 36,704,156, waxaana ay u dhigantaa codadka uu helay 50.68%. taasoo sababtay guusha uu gaaray Rouhani oo ahaa musharaxa kaliya uu isbedel-doonka ahaa.
Shacabka Iiraan si weyn ugu soo baxay doorashada waxaana codkooda dhiibtey 72.2% oo ah dadka xaqa u leh iney inay codkooda dhiibtaan kuwasoo gaaraya 50.4 milyan, iyadoo Xasan Rooxaani oo 64 jir AH uu ka mid ahaa lix musharax oo maalintii isu soo taagay doorashada madaxweynaha dalkaas ee shalay dhacday.
Xasan Rooxaani waa wadaad Shiico ah oo daacad u ah Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran Ayattulah Cali Khumeyni, taasoo aan meesha ka saarin inuu yahay hoggaamiye isbedeldoon ah oo doonaya in uu xiriir wanaagsan la yeesho dalalka reer galbeedka oo siyaasad ahaan ka soo horjeeda dowlada Iiraan.
Ugu Dambeyntii Xasan Rooxaani ayaan ayaan u awood u yeelan doonin wax ka ka beddelka arrimaha Nucliyerka Iran waxaana awooda noocaas ah la gaar moqday Golaha sare ee kacaanka Iiraan oo ah halka rasmi ahaan laga hago siyaasada Iiraan eek u wajahan gudaha dalkaas iyo caalamka intiisa kale.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com