Hargeysa (AGGM) Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaysan ogollaan doonin in Degaanada ay maamusho laga furo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Magaciisa lagu soo gaabiyo UNSOM,waxaana Maamulka Madaxda Somaliland sheegeen inaysan ogollaan doonin in xafiiskaasi ka hawlgallo degaano Maamulkoodu gacanta ka ku hayo.
Waxaa diidmada Maamulka somaliland yimi ka dib markii maalinimadii shalay uu Hargeysa tagey Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Nicholas Kay, isagoo u tagey Magalaada Hargeysa inuu madaxda Somaliland uu kulamo muhiim ah la soo qaato isla markaasna uu kala hadlo in Xafiiskaasi laga furo Magaalada hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Maxamed Cabdulaahi Cumar oo saxafada la hadlay ayaa shaaciyey inaysan Maamulkoodu ogolaan doonin in UNSOM soomaaliya xafiiskeedu ka hawlgallo degaanada somaliland,waxaana uu ku dooday inaysan Somaliland ka mid ahay soomaaliya isla markaasna yihiin laba dal oo walaalo isla markaasna deris ah.
Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa ”Xafiiska UNSOM waa mashruuc lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, anaguna waxaa nahay dal madax banaan, waa hore ayaa kala baxnay Soomaaliya, Maamulka iyo shacabka somaliland hore ayey uga tashadeen arrimaha soomaaliya isla markaasna mawqifkayga ku aadan soomaaliya waanu cadeynay mana aqbali doono in xafiiskaasi laga furo Magaalada Hargeysa ”
Dhinaca kale Maxamed C/llaahi ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in UN-ka kala shaqeyso mashaariicda bini’aadanimo iyo dhinaca horumarinta, waxayna ka codsadeen UN-ka inuu kordhiyo mashaariicdaas,waxaana uu sheegey in soomaliland si gaar ah uga sugeyso QM inay deeqdeeda u siiso isla markaasna aan soomaaliya loo soo marin.
Si kastey ahaataba kulankan oo Madaxweynaha Somaliland iyo golihiisa wasiiradu la qaateen Ergeyga QM ee soomaaliya ayey ku cadeeyeen mawqifkooda somalilandnimo,waxaana ay daboolka ka qaadeen inaysan aqbali doonin in arrimo soomaaliya lug ku leedahay in xafiis looga furo degaanada somaliland.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com