Kismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa xalay lagu toogtey nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan magaalada Kismaayo,waxaana la sheegey inay dilkaasi ay fuliyeen kooxo ku hubeysnaa Bistoolado kuwaasi oo ka cararay meesha dilku ka dhacay.
Ninkan Ganacsadaha ayaa la sheegey inu ahaa nin si weyn looga yaqaanay magaalada kismaayo isla markaasna aan wax lug ah ku lahayn xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada kismaayo,waxaana wararku sheegayaan inay dileen kooxo aan haybtooda la aqoon walow eheladda ninkaasi sheegeen inay wadaan baaritaan dilkaasi ku aadan maadama aysan ciidamo maamul rasmi ah leeyahay oo baaritaano sameya.
Ganacsadanaha ayaa lagu dilay nawaxiga Dalcad ee magaalada kismaayo halkaasi oo ay dhawaan ku dagaalameen maleeshiyo beeloodyo ,waxaana dilkan xalay ahaa mid dadka ku dhaqan degmada Kismaayo ay aad uga naxeen isla markaasna ku tilmaameen foolxumo iyagoo sheegey inuusan ninkaasi ahayn nin dhex gala siyaasadaha is diidan ee kismaayo.
Kooxaha dilka fuliyey ayaa la sheegey in ninkaais rasaas kaag dhufteen qaarka sare ee jirkiisa,waxaana la xaqiijiyey in dadkii halkaasi soo gaaray ay u yimaadeen isagoo dhaawac halis ah isla markaasna loola cararay isbitaalka Magaalada Kismaayo halkaasi oo la geeyey uuna markii dambe ku geeriyooday.
Si kastey ahaataba dilalka qaraajinta waxaa lagu eedeyaa inay inta badan ka fuliyaan magaalada kismaayo jabhadda Raaskambooni,waxaana dilkan la aamiinsan yahay inay iyagu fuliyeen sida dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ay hadal hayaan,waxaana dilkan imaanayaa xilli ay dhawaan ku dagaalameen kismaayo ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe iyo Istiin Xasan Baasto.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com