Kismaayo(AGGM) Ciidamadii dawlada kiiniya ee ku suganaa degaanada Buurgaabo & Jasiirada Raaskambooni ayaa sheegayaa inay saacadihii la soo dhaafay faarujiyeen degaanadasi isla markaasna ay dib ula wareegeen Falaagada Alshabaab,waxaana la sheegaya inay ciidamada Kiiniya iyo kuwa Raaskambooni degaanadaasi iskood uga baxeen.
Ciidamada kiiniya iyo kuwa Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay ka war heleen in ciidamo badan oo Alshabaab ahi degaanadaasi ku soo fool leeyihiin isla markaasna waxaa la shaaciyey in ciidamada isgarabsanayaa halkaasi baneeyeen isla markaasna Alshabaab si nabad ah ula wareegeen,waxaana la sheegaya inay Alshabaab halkaasi baaritaano ka wadaan.
Dhinaca kale waxaa la sheegay in Kooxda Alshabaab jasiiradda Raaskambooni ku dileen 3 ruux oo ay ku tilmaameen inay la shaqeyn jireen ciidamada kiiniya iyo kuwa raaskambooni ee la socda,waxaana la sheegayaa inay toogteen saddexdaas ruux oo laba ka mid ahi ahayeen ganacstada jasiirada Raaskambooni.
Ciidamada Kiiniya iyo kuwa raaskambooni ayaa la sheegay inay ka baxeen degaanadaasi isla markaasna ay u baxeen degaano kale oo aysan Shabab ku joogin,waxaanse la aqoon ujeedada ka dambeysa in Shabaabku inay dib ula wareegaan meelahaasi,mana jiraan wax wara oo ka soo baxay arrimahaasi oo ay soo saareen taliska ciidamada kiiniya ee ku sugan jubooyinka.
Ugu dambeyntii degaanada Raaskambooni iyo Buurgaabo ayaa ah meelo istaraatiji u ah dhinaca dagaalka iyo arrimaha Maamulka,waxaana degaano barwaaqo ah isla markaasna leh dekado macmal oo wax lagala soo degi karo,waxaana laga cabsi qabaa in Alshabaab degaanadaasi ku xoogeystaan.
Isha ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com