Muqdisho(AGGM) Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ee soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in saacadihii la soo dhaafay ay tiro ka tirsan Falaagada Alshabaab isu soo dhiibeen ciidamada dawlada ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe,waxaana ay sheegeen inay ku hubeysanayeen hubkoodii.
Tiradda kooxda Falaagada ah ka soo goostey ayaa la sheegayaa inay kor u dhaafeyso 12 askari oo ka tirsanaa Alshabaab isla markaasna ka dagaalami jirey nawaaxiga magaalada Jowhar,waxaana ciidamadan Alshabaab ka soo goosteen kooxda Falaagada Alshabaab ee isku aruursada degaanka Aadan Yabaal,waxaana ay isu soo dhiibeen ciidamada dawlada ee ku sugan duleedka Magaalada Jowhar.
Sarkaal lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud Xasan ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadaasi xiriir la soo sameeyeen isla markaasna ku soo wargeliyeen inay isa soo dhiibayaan,waxaana uu shaaciyey inay isu soo dhiibeen saacado ka dib,waxaana uu sheegey in dhamaan hubkoodi ciidamada dawladu la wareegeen isla markaasna iyagu ku sugan yihiin saldhig ciidamada dawladu leeyihiin.
Sarkaalkan ayaa daboolka ka qaaday maalmaha soo socda ay u gudbin doonaan taliska ciidamada xooga dalka ee Magaalada Muqdisho isla markaasna halkaasi loogu sameyn doono dhaqan celin,waxaana uu daboolka ka qaaday inay soo dhaweynayaan cid kasta ka soo tirsan ciidamada Alshabab isla markaasna ka toobad keenaya dhibaatada ay shacabka soomaaliyeed ku hayaan.
Waxa kale oo uu sheegey inay ciidamadani sheegeen inay u dul qaadan waayeen dhaqamada xun xun ee kooxda Alshabaab oo ay hore uga tirsanayeen shacabka ku hayaan,waxaana ciidamadan maanta isa soo dhiibay ku doodeen inaysan Alshabaab dambe laga maqli doonin isla markaasna ogadeen inay Alshabab u shaqeeyaan dano wadamo kale oo aysan shacabka soomaaliyeed wax dan ah u wadin.
Si kastey ahaataba Maaha markii ugu horeysay ee ciidamada dawlada ay isu soo dhiibaan koox ka tirsan Alshabaab opo sheegeysa inaysan ku noqon doonin Alshabab isla markaasna ka qayb noqonayaan ciidamada dawlada ee la dagaalamaya Alshabab,waxaana dawladu inta badan u fidisaa tababaro ciidan iyo shaqooyin kale.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com