Nairobi(AGGM) Ciidamada Booliska dalka Kiiniya gaar ahaan kuwa magaalada Nairobi ayaa maanta weerar ku qaaday guri lagu tuhunsanaa inuu ninkaasi ku sugnaa,Ninkan maanta ciidamada boolisku toogteen ayaa degnaaa xaafada isli ee soomaalidu ku badan tahay,waxaana ciidamada boolisku sheegeen inay maalmihi la soo dhaafay la socdeen dhaqdhaqaaqiisa.
Taliska booliska magaalada Nairobi ayaa shaaciyey in ciidamada boolisku ku guuleysteen inay ninkaasi toogtaan markii uu isku dayey inuu iska difaaco,waxaana taliska boolisku daboolka ka qaadeen in ninkaasi ku hubeysnaa Bistoolad,waxaana lagu eedeyey inuu ka mid ahaa kooxaha dhibaatada ka wada dalka kiiniya ee ka tirsan Alshabab.
Sidoo kale waxaa boolisku sheegeen in ninkani uu dhashay galbeedka dalka kiiniya uu ku lug laha qaraxyo axaddi ka dhacay magaalada Mombassa waxaana la sheegey inay ciidamada boolisku dabagal ku sameeyeen isla markaasna ogadeen inuu soo safray dhinaca magaalada nairobi markii uu soo fuliyey weeraradaasi.
Ninkan maanta weerar hubeysan ciidamada boolisku ku qaadeen isagoo ku sugan xaafadiisa oo ku taala xaafada soomaalidu degto ee Isli gaar ahaan wadada Section 3 waxaana la xaqiijiyey in intii weerarkaasi socday ciidamada boolisku nawaaxigaas ka qabqabteen dad lagu tuhusan yahay inay xiriir la lahayeen ninkaasi.
Ugu dambeyntii dilkan ninkan ayaa qayb ka ah weerarada ciidamada amaanka dalka kiiniya ku ugaarsanayaa falaagada Alshabaab oo dhibaato xoogan ku haya gudaha dalka kiiniya isla markaasna ka geysta weeraro isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo iyadoo dhibaatadaasi saameyn xoogan ku yeelatey soomaalida ku dhaqan dalka kiiniya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com