Kismaayo(AGGM) Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose ka socda kulan muhiim ah oo ay leeyihiin Taliyaha ciidamada Kiiniya ee ku sugan Magaalada kismaayo,waxaana saraakishaasi Taliska Amisom ee Muqdisho ka tirsan ee maanta soo gaarey la sheegayaa inay Ciidamada Kiiniya kala hadlayaan dagaalkii dhawaan ka dhacay kismaayo.
Saraakisha Taliska Ciidamada Amisom ee Muqdisho ka yimid ayaa isugu jira Saraakiil ka kala socda Uganda,Burundi Iyo Jabuuti oo ah Madaxda ugu sar sareysa ee Taliska Amisom ee ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya,Saraakisha ayaa la sheegayaa inay kala hadlayaan eedeymo ciidamada Kiiniya loo jeediyey ka dib dagaalkii dhawaan magaalada ku dhex marey ciidamada Raaskambooni iyo kuwa daacad u ah Istiin Xasan Baasto.
Saraakisha ayaa la sheegayaa inay Cadeymo hayaan ah in ciidamada Kiiniya Rasaas ay u qaybinayeen ciidamada Raaskambooni markii dagaalku ka socday magaalada Kismaayo,waxaana la shaqeeyaan in saraakisha ciidamada Kiiniya ay ku doodayaan inaysan arrimahasi ku lug lahayn.
Saraakisha Taliska Amisom ayaa la sheegaya inay soo bandhigeen Films ku aadan iyagoo qaybinaya Rasaas isla markaasna siinaya ciidamada Raaskambooni dagaaladii magaalada kismaayo,waxaana Saraakishani sheegeen in arrintaasi cadaan tahay isla markaasna talaabadan ciidamada kiiniya ku dhaqaaqeen la hor geynayo madaxda sar sare e IGAD io Midawga Afrika,waxaana saraakisha kiiniya ku doodayaan inaysan waxba ka ogeyn eedeyntaasi.
Dhinaca kale Vidoe ku aadan Ciidamada Kiiniya oo rasaas qaybinaya ayaa la sheegay inay soo bandhigeen isla markaasna Saraakiisha ciidamada Kiiniya beeniyeen inkastoo ay ka yaabsan yihiin cidda Vidoe gaasi duubtey iyagoo ka shaki qaba in kooxda raaskambooni qaarkood ay Mobile ku duubeen isla markaasna shacabka magaalada u u direen taasi oo ceeb ku noqotey ciidamada kiiniya ee nabad ilaalinta u jooga dalka soomaaliya.
Si kastey ahaataba waxaa eedeyntan ciidamada Kiiniya loo jeedinayaa qayb ka tahay eedeymo badan oo siyaasiiyiin iyo Aqoon yahano soomaaliyeed u jeediyeen taliska ciidanka kiiniya ee ku sugan magaalada Kismaayo iyadoo lagu eedeeyo inay garab siiyaan kooxda Axmed Madoobe.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com