Kismaayo(AGGM) Labo ruux ayaa xalay lagu dilay Xaafada Via Afmadow ee magaalada Kismaayo, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan dilkaas. Sida ay sheegayaan wararka labada ruux ayaa kooxo ku hubeysan bastoolado ku dileen xaafadaas oo labadii maalmood dagaalo ka dhacayeen.
Wararka ayaa sheegaya in labada ruux ay ganacsato ahaayeen, iyadoo kooxihii dilkooda ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen. Xaalada magaalada ayaa ah mid degan tan iyo shalay, waxaana socda dadaalo iyo waan waan lagu qaboojinayo xiisadaha u dhaxeeya labada maleeshiyo ee ku dagaalamay magaalada.
Odayaal iyo waxgarad deegaanka ah ayaa ku howlanaa daminta colaada labada dhinac, waxaana ilaa iyo hada ku guuleysteen in xabad joojin kala dhex dhigaan labada dhinac. Magaalada Kismaayo ayaa tan iyo bartamihii bishii hore xaaladeeda aheyd mid cakiran, kadib markii looga dhawaaqay Madaxweynayaal dhowr ah oo isku haya siyaasada iyo maamulka magaalada kheyraadka leh.
Ugu dambeyntii dilalkan qorsheysan ee gudaha magaalada kismaayo ka dhacay xalay ayaa lagu eedeynayaa inay ka dambeeyeen kooxda raaskambooni oo qaab qarsoon uga aar gudanaya shacabka Maleeshiyo beeleedki ay la dagaalameen,waxaana la sheegaya in labada ruux ee la dilay ka so jeedaan beesha cawro ma leh.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com