Muqdisho(AGGM) Ciidamadan oo ah kuwa gaar ah oo loo diyaariyay Sugidda Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta Dhoola Tus ku soo bandhigay Barxadda Taalada Sayid Maxamad C/lle Xasan ee wadada Maka Al Mukarama.
Ciidamada Ayaa loo diyaariyay sida iyagoo ku sugan saldhigyadooda ka dib waxaa dhacay Qarax, kaas si mala awaal ah Qeebna ka ahaa dhola tuska, Waxaana Shanqarta Qaraxa ka dib dhaqaaqay Ciidamadii loogu talagalay in ay Gurmadka Sameeyaan Dad loo Ekeysiiyay in ay Qaraxaasi ku waxyeeloobeen ayaana ciidamada kala gadisan ay gurmadka u fidinayeen, Waxa ayna xireen dhamaan waddooyinka Soo gala Goobta,iyagoo ku dhaqaaqeyn Daabuliska dadka dhaawaca ah, Waxaa Joogay Goobta Gaadiidka Gurmadka Deg Degga ah, dab damiska oo ku mashquulsan daminta dabkii kacay iyadoo iyo sidoo kale Gawaarda Cusub Ee Ciidamada 888.
Ciidamada ayaa sidoo kale soo bandhiga sida loo baaro dambiyada dhaca,iyo sidoo loo soo bandhigo waxyaabaha ka soo baxa baaritaanada ay sameeyaan ciidamaad. Dhoola Tuskan waxaa sidoo kale Qeyb ka ahaa Ciidamada Birmadka,Ciidanka Nabadgalyada Waddoyinka Iyo Talisyada Qeybaha Ciidanka Booliska waxaana sidoo kale dhoola tuska daawanayay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo amniga qaranka iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska
Dhoolla Tuska Kadib waxaa salaan ka qaatay ciidamada Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas C/xakiim Daahir Saacid isagoo aad uga mahadnaqay ciidamada dhoola Tuska soo bandhigeen.
Sido kale taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Gen C/Xakiin Daahir Saacid ayaa kula dardarmar ciidmada inay u dhabar adeygaan badbadinta shacabka soomaaliyed isla marka dhawaan ay rajeynayaan iney magaalada muqdisho ka sifiyaan kooxda dhar qabayasha ee Al-shabaab,isagoo sheegay inaydhawaana u gudbi donaan goballada dalka si loo soo celiyo aminigii iyo kala danbeyntii uu dalka lahaa.
Ugu danbeyn taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Gen C/Xakiin daahir saacid ayaa balan qaday in amniga ay sii hormari donaan isagoo ugu baaqay shacabka in ay la shaqeyaan ciidanka booliska.
Waa markii ugu horeeysay oo ay ciidamada booliska soomaaliyeed ay soo bandhigaan dhoola tus nuucaan oo kale,taasi oo muujineesa kartida iyo awooda ciidamaad booliska ee dalkeena.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com