War Deg Deg Ah: Sarkaalkii 4-aad Oo Dhaawac Uga Dhintey Jabhadda Raaskambooni Caawa

0

deg-deg21Kismaayo(AGGM) Waxaa caawa isbitaal ay leeyihiin ciidamada kiiniya ee ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo ku geeriyooday sarkaalkii 4-aad ee dagaaladii labadii maalmood ee la soo dhaafayey ka dhacayey magaalada kismaayo,waxaana sarkaalkaasi la sheegey inuu dhaawacii soo gaarey caawa u geeriyooday.

Alle ha u naxariistee Maxamed Cabdulaahi Cawil ayaa ahaa Madixii sirdoonka ama PIS-ta jabhadda raaskambooni,waxaana dhaawac culus shalay ka soo gaarey dagaalkii ay la galeen ciidamadii Istiin Xasan Baasto,waxaana sarkaalkan u dhaawac culus kaga dhacay dhinaca wadnaha iyadoo maalinimada beri ah lagu waday in  loo duuliyo  Magaalada Nairobi ee dalka Kiiniya si loo soo daaweeyo.

Sarkaalkan ayaa noqonaya sarkaalkii 4 aad ee jabhadda raaskambooni kaag dhinta dagaaladii labadii maalmood ka socday magaalada kismaayo,waxaana hore u geeriyoodey saraakiil kale oo lagu kala magacaabi jirey Col: Cawil Aadan Halac oo ahaa taliyihii amaanka ciidamada Raaskamboni oo saaka isagu dhaawac u dhintey,waxaana ka horeyey sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegey Cabdi Muuse oo  isagu dagaalkii shalay ku geeriyooday,waxaa kale oo ka horeyey sarkaalkii dagaalku ka bilowday oo isaga magaciisa lagu koobay Col Cago Dhiig.

Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay dagaaladii labada maalmood ka socday gudaha magaalada kismaayo ay kaga dhinteen saraakiil muhiim  ahaa,waxaana sidoo kale dhaawacyo culusi ka soo gaareen ciidamo badan oo labada dhinac ah,waxaana dagaaladasi ahayeen mid ay labada dhinac ku doonayeen inay magaalada ku kala qabsadaan balse u muuqday inaysan kala awood roonaanin.

Ugu dambeyntii waxaa talabadan imaanaysaa xilli galabta waxgaradka magaalada kismaayo ku guuleysteen inay kala qadaan kooxihii dirirtu u dhexeysay isla markaasna ay ugu baaqeen inay miiska wada hadalka ku dhameeyaan muran kasta oo u dhexeya si shacabka soomaaliyeed ee ku nool magaalada kismaayo nabad loogu helo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com