Kismaayo: Kooxihi Dagaalamay Oo Xabad Joojin Dalbaday Iyo Ciidamadii Oo La Kala Qaaday

0

83c0606b14c30f1d1e0f6a706700f8abKismaayo(AGGM) Dadaal dheeraad ah oo ay ilaa xalay iyo saaka wadeen waxgaradka magaalada kismaayo gaar ahaan labadii maleeshiyo ee ku dagaalamay gudaha magaalada kismaayo ayaa guul hor u dhac ka gaarey inay kala qaadaan koxihii dirirta xoogan shalay dhexmartey waxaana galabta lagu guuleystey in fariisimahoodii lagu kala celiyo kooxaha dagaalamay.

Kala qaadista ciidamadaasi ayaa timid ka dib kulamo saacado qaatey oo ay la yeeshaan hogaamiyeyaasha kooxaha ku dagaalamay magaalada kismaayo,waxaana arrintaasi suuro gashay markii labada dhinac ee dagaalamay aqbaleen in la furo wadooyinka iyo farisimaha ay ka sameysteen gudaha magaalada kismaayo isla markaasna ku laabtaan fariisamahoodi hore.

Dhinaca kale xaalada magaalada kismaayo ayaa degan walow saaka ay ka jireen xiisado dagaal taasi oo sababatey inay ka barakacaan dad badan xaafadaha ka dhaw dhaw meelaha ay isku horfadhiyeen kooxaha iska soo horjeeda,waxanaa shacabku u barakaceen xaafadaha kale ee aan dagaaladu ka jirin balse hadda waxa ay dadkaasi dib ugu soo laabanayaan guryahooda.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay dalbadeen xabad joojin maadama ay laba maalmood dagaalo culusi ku dhexmarayeen gudaha magaalada kismaayo isla markaasna aysan labada dhinac wax horumar ah aysan ka sameyn,waxaana la sheegayaa in labada dhinac ku doodayaan inay miiska wada hadalka yimaadaan.

Ugu dambeyntii ciidamadii dagaalamay ayaa hadda ka baxay meelihii ay isku horfadhiyeen isla markaasna dib ugu laabtey xarumahoodi hore ee ay dulaamada ka soo qaadeen, dhinaca kale waxaa xaafadaha magaalada kismaayo qaybo ka mid ah laga maqlayaa rasaas teel teel ah taasi oo aan ujeedkeeda la ogeyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com