Odoyaal iyo Wax garad kulan ku yeshay Muqdisho oo ku Baaqay in la Joojiyo Colaada Kismaayo.

0

MUQ_2-500x374Muqdisho(AGGM)  Kulankan oo ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee odayaasha,siyaasiyinta xildhibaano iyo waxgaradka soo jeeda gobolada jubooyinka oo maanta ka dhacay magaaladda muqdisho ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay arrimaha ka taagan magaaladda kismaayo ee xarunta Gobolka jubbadda hoose.

Odayaahii iyo siyaasiyiintii ka soo qeyb galay kulankan maanta ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaaladda ka soo cusboonaday magaaladda kismaayo iyo dhibaatada shacabka Jubboyinka ay ku qabaan maamulada is magacabay ee hadda deegaanadaasi dhibaatada ka wada iyo isku adeegsiga maleeshiyaadka labada dhinaca kala taabacsan iyagoona odayaashan ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xabadda.

C/qaadir Xaaji Maxamed Suldaan (Lugadheere) Gudoomiyaha Gudiga xiriirka gobolada Jubboyinka ayaa ugu dambeyntii sheegay in shacabka ku dhaqan gobolada jubboyinka ay ka daaleen dagaalo iyo fowdo loona baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaboojiyo xiisadaha halkaasi ka taagan loona hogaansamo go’aanka dowladda soomaaliyeed ee ku aadan shirka dib u heshiisinta ee lagu qabanyo magaaladda muqdisho kaasoo loo qabanayo  qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan goboladdaasi.

Tan iyo inta ay bilaawdeen xiisadahan colaadeed ee ka soo cusboonaaday magaaladda kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ayaa waxaa jiray baaqayo kala uu ku aadan in la joojiyo dagaaladda halkaasi ka jira.

 Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgalduud@gmail.com