Seeraar '' Al-Shabaab Baa Kismaayo Nagula Dagaalamay Kismaayo ''

0

19381Kismaayo(AGGM) Maamulka uu hormuudka u yahay Axmed Madoobe ayaa ka hadlay dagaalo faraha looga gubtey oo shalay ka dhacay gudaha kismaayo kuwaasi oo u dhexeyey garabkooda iyo garabka Istiin Xasan Baasto,waxaana dagaaladaasi ahayeen kuwo xoogan isla markaasna Jabhadda Raaskambooni khasaare xoogan lagu soo gaarsiiyey,waxaana dagaalkaasi iyo dagaal hadda qaybo ka mid ah duleedada kismayo ka socdaa  ka hadlay Cabdinasir Seerar oo ka mid ah kooxda Raskambooni.

Cabdinaasir Seerar Maax oo ah afhayeenka Jabhadda Raaskambooni ayaa daboolka ka qaaday in dagaalkaasi shalay ay la galeen koox uu ku timaamay Alshabaab isla markaasna waxaa uu ku eedeyey inay dawlada soomaaliya ka dambeysay weerarkaasi,waxaana uu sheegey in wasiirka Gashaandhiga dawlada Soomaaliya uu weerarkaasi soo abaabulay.

Waxaa Caado ah in Jabhadda Raaskambooni hadii dagaal looga awood roonaado ay ku tilmamaan dhinaca dagaalka la gala Alshabaab,waxaana arrintaasi ku cadeyneysa dagaalo dhawaan ka dhacay kismaayo kuwaasi oo ay la galeen beelo ay ku tilmaameen shabaab in markii laga awood roonaado ay shabaab ku tilmaamaan.

Dagaalka shalay ayaa ahaaa dandaansi Raskambooni ku sameyeen nin siyaasi ah oo sheegtey inuu yahay Madaxweyne kaasi oo ay damceen inay afduubaan raaskambooni balse ciidamo uu watey ay hilfaha u laabeen ciidamadii raaskambooni taasi oo sababtey in dagaalku sii xoogeysto isla markaasna la dilo sarkaal ka mid ah kuwii dagaalkaasi hogaaminayey oo dhinac raaskambooni ah isla markasn gaari dagaalo xoog looga furto.

Seeraar oo ayaa afka labadiisa daan furtey shaaciyeyna inay Alshabaab la dagaalameen,waxaana hadalkaasi ka xanajiyey shacabka magaalada Kismaayo iyagoo sheegey inay Raaskambooni dagaalkoodu ku kooban yahay saxafada iyo afka isla markaasna waxay shaaciyeen inay dagaalkii shalay goob joog ka ahayeen isla markaasna cidda dagaalantey iyo cidda lala dagaalamay la socdaan,waxaana ay aad ula yaabeen hadalka Jabhadda Raaskambooni.

Ugu dambeyntii Seerar hadalkisa ayaa ahaa mid shacabka ku dhaqan dalka iyo dibedu aad ula yaabeen isla markaasna ku tilmaameen dagaal kasta oo ay la galaan qabiillada soomaalida ee kismaayo inay shabaab yihiin iyagoo hadda ka hor ciidamo ka yimo gobolka Gedo ay ku fashilmeen isla markaasna ku tilmaameen Shabaab,taasi oo ay hadleen kooxo xildhibaano ah oo axmed madoobe tageersana isla markaasna ku fashilmeen siyaasada gobollada jubooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com