Warbixin: Faroole Oo Guul Darro Kala Huleelay Kulankii Madaxweyne Xasan Shiikh (Sawiro)

0

8Y1A2478-e1370557541579Nairobi(AGGM) Madaxweynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay aqbalay kulan Faroole ka codsaday inuu la yeesho,waxaana kulankaasi ka dhacay huteelka uu degan yahay Madaxweynaha dawlada federaalka ahi Xasan Shiikh Maxamuud oo ku yaala duleedka magaalada Nairobi.

Faroole iyo xubnaha la socday ayaa kulankaasi ka qayb galay waxaana Madaxweynaha dawladda Federaalka ahi u u sameeyey Casho sharaf. Markii waqtgii caashada la dhaafay ayaa la sheegey inuu madaxweyne Xasan Shiikh Codsadey inuu Faroole danaha uu leeyahay ka hadlo isla markaasna ujeedada guud ee kulanka laga hadlo .

Faroole ayaa la sheegey inuu hadalkii ku bilaabay inuu doonayo inuu kala hadlo arrimaha gobollada Jubooyinka,waxaana la sheegey inuu Madaxweyne Xasan ugu jawaabay inuu arrimahaasi kala hadlay isla markaasna uusan aqoonsaneyn wax kulan ah oo uu la galayo Maamuladda dhawaan loogu dhawaaqay Magaalada kismaayo.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweyne Xasan Faroole u sheegay inuusan u hadlin koox ka soo horjeeda dawlada federaalka ee soomaaliya isla markaasna dooneysan inay dastuurka ku tumato,waxaana la sheegey inuu Madaxweyne Xasan Shiikh si cad ugu sheegay in hadii kooxaha ksimaayo madaxweynnimada ka sheeganaya ay wada hadal doonayan inay isugu yimaadaan Xamar is arrimaha looga hadlo isla markaasna maamul loogu sameeeyo gobollada Jubooyinka.

Sidoo kale waxaa uu sheegey Madaxweyne Xasan in shacabka 3-daas gobol ay xor  u yihiin inay tageeraan cidii ay doonaan isla markaasna rabitaankooda la tixgaliyo,waxaana uu sheegey in hadii Bare Hiiraale iyo Axmed Madoobe kulanka ka dhacaya Muqdisho ee dawladu maamuladda ugu sameynayso kismaayo labadaasi nin lagu doorto midkood ay dawladu ku khasban tahay inay tageerto isla markaasna uusan koox gooni ah uusan tageereyn oo shacabka uu diidan yihiin.

Dhinaca kale waxaa madaxweyne Xasan digniin u jeediyey madaxweynaha Puntland isagoo uga digey inuusan faraha la gelin arrimo aan dantiisa iyo maamulkiisa toona ahayn,waxaana uu ugu baaqeyn inuu Maamulkiisa puntland amaan darrada ka taagan wax ka qabto isla markaasna tix galiyo rabitaanka shacabka reer Puntland balse uusan u talaabin degaano kale oo uusan wax ka qaban karin.

Si kastey ahaataab kulankaasi xalay ayaa ahaa guul darro la soo deristey Madaxweynaha maamulka Puntland oo doonayey inuu isu keeno Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha dawlada soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,waxaana beenowday beentii uu Faroole ku qancin jirey Axmed Madoobe iyo kooxdiisa isagoo awal hore feker been ah ka dhaadhiciyey kulana taliyey inuu isagu iskiis isu doorto isla markaasna uu dhinaca dawlada federaalka isagu ka tageeri doono wada hadaladu ku aqoonsanto Maamulka Axmed Madoobe taasi oo hadda ku guul dareystey.

8Y1A2478-e13705575415798Y1A2477-e13705575044578Y1A2474-e13705574318828Y1A2476-e1370557466542

Iska Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com