Warbixin: Dagaalkii Kismaayo Oo Iskiis Caawa U Istaagay & Hub Urursi Ay Bilaabeen Kooxaha Dagaalamay

0

kismaayo8Kismaayo(AGGM) Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa caawa ah mid degan inkastoo maanta ay ka dhaceen dagaalo culculus oo u dhexeyey ciidamada Raaaskambooni iyo ciidamo daacad u ah Istiin Xasan Baasto oo dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa caawa maqribkii iskiis u istaagaya,waxaana ciidamadii maanta ku dagaalamay gudaha kismaayo la sheegaya inay osku horfadhiyaan goobihi dagaalada culus ku dhexmareen,waxaana dagaalkaasi ahaa mid culus oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray kooxaha dagaalamayey.

Geerida dagaalkaasi sababay ayaa la sheegayaa inay marba marka ka sii dambeysa sii kordhayso,waxaana la sheegayaa in dadka dhintey ay ku jiraan dad shacab ahi, Waxaa la sheegayaa in 4 ruux oo shacab ahi ku geeriyoodeen dagaalkaasi oo ay ku jirto gabar,waxaana sidoo kale dhaawac soo gaarey tiro kale oo shacab ah.

Dhinacyada dagaalamayey ayaa la sheegaya inay ka geeriyoodeen 9 askari ko uu ku jirey Sarkaal ka tirsanaa dhinaca Axmed Madoobe ka tirsan iyo 5 askari oo ciidamada Raaskambooni ah,waxaana geeriida dhinaca Raaskambooni la sheegaya inay tahay 6 askari oo uu ku jiro sarkaalkii ciidamadaas hogaaminayey oo lagu magacaabi jirey Col Cago Dhiig. Dhinaca Istiin Axmed Baasto ayaa la sheegayaa inay dhinaciisa ka geeriyoodeen 3 askari oo ciidamada isaga tageersan ah.

Dhinaca kale waxaa jira gaadiid dagaal oo la kala qabsaday,waxaana wararku sheegayaan in gaari nooca dagaalka ah laga qabsadey garabka Axmed Madoobe kaasi oo la qabsaday markii taayirada rasaas ka heleeshay,waxaana la sheegayaa inay gaarigaasi ay gacanta ku hayaan ciidamada Istiin Xasan Baasto.

Dhinaca kale Labada dhinac dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan ka wada gudaha magaalada kismaayo,waxaana la sheegayaa in ciidamada Axmed madoobe isku aruursanayaa dhinaca dekadda Iyo Garoonka Diyaaradaha,waxaana ay wadaan abaabul ciidan oo xoogan isla markaasna laga cabsi qabo in dagaalo hor leh qarxaan maalinimada beri ah maadama xilli habeenimo hadda lagu jiro.

Dhinaca kale waxaa la sheegaya in garabka Istiin Xasan Baasto ciidamadiisu isku aruursanayaan Meelo badan oo kismaayo ka mid ah,waxaana ka mid ah Xaafada Calanley dhinaca Somali Star iyo Qubiga Jabarti ee magaalada kismaayo,waxaana dhinacooda ka wadan abaabul dagaal oo culus oo ay ku doonayaan inay iskaga difacaan weerar uga yimaada dhinaca Axmed Madoobe.

Ugu Dambeyntii Xaalada magaalada Kismaayo ayaa caawa ah mid aan cago badan ku taagneyn isla markaasna waxaa shacabku caawa farta ku hayaan wadnaha iyagoo aan ogen waxa ay Magaalada Kismaayo Maalinimada Beri ah ku waaberisan doonto maadama kooxaha dagaalamay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com