Galkacayo(AGGM) Wararka Allgalgaduud ka helayso degmada Hobyo ayaa sheegaya in mar dhaweyd gudaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug lagu toogtey Taliyihi ciidamada degmada hobyo ee maamulka Galmudug kaasi oo lagu magacaabi jirey Alle ha u naxariistee Cabdiweli Xirsi Fara Badan,waxaana la sheegayaa inay dilkiisa ka dambeyeen kooxo hubeysan.
Wararka Allgalgaduud heleyso ayaa shaacinaya in Sarkaalkaasi loo dilay aano qabiil,waxaana la sheegaya in qaar ka mid ah ilaaladiisa ay dhaawacmeen isla markaasna isbitaalka magaalada Hobyo lagu daaweynayo,waxaana arrintaasi xamaasad ka abuurtey gudaha magaalada Hobyo.
Dhinaca kale waxaa la xaqiijinaya in ciidamada amaanka degmada Hoboy ee Maamulka Galmudug ay halkaasi ka bilaabeen hawlgallo xoogan oo lagu raadinayo kooxdii dilkaasi fulisay,waxaana ciidamaddu baarayaan guryo la sheegayo in kooxdaasi ku dhuunteen isla markaasna waxaa lagu wadaa in gacanta lagu soo dhigo sida saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug sheegeen kooxdii dilka geysatey.
Dhinaca kale ma jiraan wax wara oo wali ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku saabsan dilka loo geystey taliyihii ciidamada degmada Hobyo ee gobolka mudug,waxaana lagu wadaa in saraakisha amaanku saacadaha soo socda ka warbixiyaan dilkaasi iyo cidda ka dambeysay walow la xaqijinayo in aano qabiil loo dilay sarkaalkaasi.
Si kastey ahaataba dilkan ayaa qayb ka ah dilalka aanooyiinka qabiil ee inta badan soomaalidu isku disho,waxaana arrintaasi saameyn weyn ku yeelataa dad badan oo aan waxba galabsan kuwaasi oo naftooda u waaya aano qabiil isla markaasna loo dilaa qof aan waxba isagu geysan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com