Garoowe(AGGM) Siyaasiga reer Puntland Maxamed Cali Yusuuf ” Gaagaab” oo saaka saxafada kula hadlay magaalada galkacayo ayaa baaq u diray waxgaradka reer Puntland,waxaana uu ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan isugu yimaadaan magaalada Qardho halkaasi oo uu ku tilmaamay inay ku qabanayaan kulan ka dhan ah Xukumada Faroole.
Dr Gaagaab oo hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeen xilligii Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi ayaa daboolka ka qaaday inaan loo dul qaadan karin arrimaha faroole ka wado gudaha degaanada Puntland,waxaana uu Gaagaab sheegey inuu Faroole leexsaday dhaqaalihii dekadda Puntland isla markaasna uu lacagta ka soo baxda Dekedda Bosaaso uu dhoofiyo dalka kiiniya.
Sidoo kale waxaa uu Dr Gaagaab ka hadlay arrimaah xisbiyadda badan waxaana uu ku tilmaamaay inay taasi tahay sidii faroole dadka degaan degaanada Puntland oo nidaamka madaxtinimada ku qaybsada qaab qabiil uu doonayo inuu madaxa isu galiyo isla markaasna colaad u horseedo,waxaana uu sheegey inaysan taasi u suurto gali doonin.
Gaagaab waxaa uu ugu baaqay waxgaradka degaanada Puntland isla markaasna ka tirsan beelihi soo dhisay dawladii u horeysay ee Puntland inay aayahooda ka tashadaan isla markaasna isugu yimaadaan Magaalada Qardho oo uu sheegey inuu ka dhici doono kulan looga hadlayo sidii maamul loogu dhisi lahaa degaanada Puntland.
Ugu dambeyntii waxa hadalkan imaanayaa xilli magaalada Qardho ay ku sugan yihiin waxgarad degaano kala duwan oo puntland ah ka yimid kuwaasi oo doonaya inay shir muhiim ah ku qabtaan magaalada Qardho kaasi oo ka dhan ah xukumada Faroole isla markaasna la doonayo in maamulka Faroole lagu afgambiyo mana jiraan cid maamulka puntland ah oo arrimahaasi ka hadashay iyadoo uu Faroole wali ku maqan yahay safar dalka dibediisa ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com