Garoowe(AGGM) Maanta waxaa gudaha magaalada Galkacayo ka dhacay iska hor imaad u dhexeyey laba Maleeshiyo beeleed kuwaasi oo ku dirirey dhul. Iska hor imaadkan maanta ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada galkacayo,waxaana iska hor imaadkaasi sababay geerida laba ruux halka uu dhaawac ka soo gaarey 3 kale.
Dhaawac Saddexdaasi ruux ayaa la sheegayaa in maanta la geeyey isbitaalka weyn ee magaalada galkacayo halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu daawaynayo waxaana wararka qaarkood sheegayaan in 3 da ruux mid ka ah xaaladiisu tahay mid culus halka labada kalena xaaladooda la sheegey inay soo hagaageyso.
Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska magaalada Galkacayo ayaa shaaciyey in lagu daba jiro kooxihi dagaalamay isla markaasna ciidamada amaanka gobolka mudug ay ku hawlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa kooxdaasi,waxaana uu sheegey inay ku rajo weyn yihiin inay gacanta ku soo dhigaan kooxaha dagaalamay.
Si kastey ahaataba waxaa magaalada galkacayo ku soo badanaya is qabqabsiga dhulka ee u dhexeya dadka wada dega magaalada galkacayo,wxaaana maalmo ku hor iska hor imaadyo dhexmareen laba beelood oo dhul isku qabsaday iyadoo aanay wax khasaare ahi ka dhalan kuwaasi oo ciidamada amaanku ku guuleysteen inay kala dhex galaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com