Al Shabaab Iyo Ciidamada Siiraliyoon Oo Markii U Horeysay Dagaalo Ku Dhexmareen Degaanka Taabto

0

AMISOM-On-PatrolKismaayo(AGGM) Ciidamada Siraliyoon ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Jubadda Hoose gaar ahaan degaan Taabto ayaa la sheegayaa inay xalay dagaalo culus dhexmareen ciidamada ka socda wadanka siiraliyoon isla markaasna qaybta ka ah ciidamadda Amisom ee soomaaliya ku sugan Iyo Kooxda Alshabaab waxaana la sheegayaa inay xalay weerar ku soo qaadeen fariisimahooda Alshabaab isla markaasna uu halkaasi ka qarxay dagaal culus.

Weerarkaasi waxaa warbaahinta u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada soomaaliya ee la socda ciidamada siiraliyoon oo lagu magacaabo Col  Cabdixakiin Cabdilaahi Maxamuud waxaan uu sheegeyn in Alshabaab fariisimahooda ay ka soo warareen dhawr jiho isla markaasna ay iska difaaceen,waxaana uu sheegey inay khasaare xoogan soo gaarsiiyeen kooxdii weerarka soo qaaday.

Ciidamada ka socda wadanka Siiraliyoon iyo kuwa dawladda soomaaliya ayaa maalmahan ku sugnaa degaanka Taabto oo lagu wado inay fariisiin ciidan ka dhigtaan isla markaasna degaano Alshabaab ku sugan yihiin kala wareegaan,waxaana ciidamadaasi la sheegayaa inay sugayaan ciidamo badan oo ka socda wadanka Siiraliyooon isla markaasna ku soo wajahan gobolka jubadda dhexe.

Sarkaalkan waxaa uu sheegey inaan dhinacooda iyo dhinaca ciidamada Siraliyoon wax khasaare ahi soo gaarin waxaana uu shaaciyey in dagaalkaasi uu socday mudo kooban isla markaasna kooxdii Alshabaab ay dib ugu carareen degaanadii ay weerarka ka soo qaadeen,waxaana uu ku hanjabay inay ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom qorsheynayaan inay weeraro ku qaadan fariisimaha Alshabab ee degaanda jubooyinka.

Si kastey ahaataba waxaa la dhihi karaa waa weerarkii ugu horeyey ee ka fool ka fool ah oo dhexmara ciidamada Siiraliyoon oo kaashanaya kuwa dawlada soomaaliya iyo faalagada Alshabaab,waxaana la sheegayaa in ciidamada siiraaliyoon ay aad khatar ugu yihiin dagaalada Goorilaha isla markaasna dalkoodu dagaalo culus soo maray kuna soo tababar qaatey dagaaladii dalkooda ka dhacay ee sokeeye.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com