Xog: Safar Axmed Madoobe Ku Tagi Rabo Nairobi & Su,aalaha FBI,CIA-da Mareykanka Ee Dooni Hub Waday

0

17921Kismaayo(AGGM) Dhawaan ayay ahayd markii sirdoonka dalka Yemen sheegeen inay gacanta ku dhigeen dooni hub watey oo la sheegey inay ka shiraacatey gobolka Jubadda hoose degaano ka tirsan isla markaasna lagu eedeyey inay lug ku lahayeen Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni Axmed Madoobe Iyo Ninka tirsan Alshabaab oo ay Ehellada Axmed Madoobe ah isla markaasna lagu magacaabo Shiikh  Isxaaq kaasi oo hadda ka mid ah kooxda tageersan Axmed madoobe ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Dawlada Yemen ayaa la sheegey inay xiriir la sameysay taliska ciidamada mareykanka ee Baxreyn ku yaala isla markaasna ku war geliyeen inay gacanta ku dhigeen dooni hub sida oo ka soo shiraacatey gudaha dalka soomaaliya,waxaana la sheegey in ciidamada sirdoonka dalka Mareykanka iyo kuwa Yemen isla kaashadeen meesha hubkaasi ka soo baxay,waxaana la sheegey in laga helay Magacyo masuuliyiin ka tirsan Jabhadda Raaskambooni ee ku sugan magaalada kismaayo kuwaasi oo uu Hormuud ka yahay nin lagu magacaabo Shiikh Isxaaq hadana ka tirsan shaqaalaha dekadda.

Arrintaasi ka dib waxaa la sheegey in Safaaradda mareykanku ee ku taala xiriir la sameystey dawlada kiiniya si arrimahaasi looga hadlo maadama ciidamadoodu ku sugan yihiin gobollada Jubooyinka,waxaana la xaqiijiyey in dawlada Kiiniya ay shaacisay inay Magaalada Nairobi loogu yeeri doono Hogaanka Jabhadda Raaskambooni isla markaasna su,aalo looga waydiiyo arrimahaasi,waxaana la sheegey in dawlada Mareykanka oo kaashaneysaa dawlada Kiiniya Axmed Madoobe uga yeereen magaalada Nairobi.

Sida wararka qaarkood sheegayaan waxaa la xaqiijinayaa in Axmed Madoobe looga yeeray in su,aalo laga waydiiyo arrimahaasi maadama Sirdoonka Dawladaha Yemen iyo Mareykanku shaaciyeen in doonidaasi ka soo shiraacatey Jasiiradda Raaskambooni oo ka mid ah jasiiradaha ku yaala gobollka Jubadda Hoose halkaasi oo ay wali maamulaan Xoogaga Alshabaab isla markaasna lagu tababaro ciidamadooda.

Saxafada dalka Yemen ayaa shaacinaysa cadeymo muujinaya in doonidaasi ka timid dhinaca magaalada kismaayo iyadoo soo martey Jasiiradda Raaskambooni isla markaasna hubka qaar laga soo saarey,waxaana ay sheegeen in laga helay dukumantiyo ku qoran far carabi isla markaasna lagu dhex arkay masuul ka tirsan shaqaalaha dekadda Kismaayo kaasi oo magaciisa uu wargeyska SABA ee dalka Yeman ka soo baxaa.

Lama Oga Xillida Axmed Madoobe uu duuli doono Magaalada Nairobi oo la sheegey inay ku sugayaan koox ka tirsan Sirdoonka dalka yemen iyo Sirdoonka Dalka mareykanka oo isugu jira  CIA & FBI kuwaasi oo la xaqiijiyey inay Axmed Madoobe ugu yeereen sidii uu jawaab uga bixin lahaa ciddii hubkaasi lahayd iyo meesha loo waday,Iyo Saraakisha Alshabaabka ah ee ku sugan kismaayo isla markaasna kooxdiisa ka tirsan.

Si kastey ahaataba sanadkii la soo dhaafay ayey ahayd markii dawlada Mareykanku eedeyn u soo jeedisay Axmed Madoobe iyo dhawr ruux oo soomaali ah kuwaasi oo ay dawlada mareykanku ku tilmaamtey kuwo aan laysku haleyn karin isla markaasna isbed-bedel oo aan la aamini karin. Sidoo kale lama oga su,aalaha Sirdoonadda Yemen Iyo Mareykanku Axmed Madoobe ku waydiin doonaan magaalada Nairobi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com