Muqdisho(AGGM) Wufuud ka socda wasaarada gashaandhiga dawladda Masar ayaa maanta ka soo gaarey magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya,waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dawlada federaalka ah ee soomaaliya gaar ahaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.
Admiral Faarax Qare oo ah Taliyaha Ciidanka badda dowladda Soomaaliya oo ka mid ah Saraakiishii soo dhaweysay wafdiga ka socda Wasaaradda difaaca dalka Masar oo Saxaafadda kula hadlay Gudaha Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in wafdigaani ay Muqdisho u yimaadeen sidii ay dayactir ay ugu sameyn Lahaayeen Xafiisyada Saraakiisha Ciidamada qalabka Sida iyo dayactirro Lagu sameeyo Xarumaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gashaandhiga dawlada Masar ayaa doonaysa inay qalabeyso ciidamada qalabka sida ee soomaaliya nooc kasta ay leeyihiin,waxaana weftigaasi sheegeen inay doonayaan inay wax badan ka qabtaan dhibaatada haysa ciidamada qalabka sida ee soomaaliya hadii ay noqon lahayd dhinaca qalabka iyo gaadiidka.
Sidoo kale Admiral Faarax Qare ayaa halkaasi uga mahad naqay wasaarada gashaandhiga dawladda Masar isla markaasna sheegeyn inay u baahi qabaan walalahooda reer Masar inay wax ka qabtaan dhibaatada baaxada leh ee haysata ciidamada qalabka sida ee dawlada soomaaliya oo u baahan tageero dhinac kasta ah.
Ugu dambeyntii weftigan dawlada Masar ayaa sheegey inay ka dhabeynayaan balan qaadkooda ku aadan qalabeynta ciidamada qalabka sida ee soomaaliya isla markaasna waxa ay sheegeen inay noqonayaan dawladii ugu horeysay ee tageero toos ah u fidisa ciidamada dawlada soomaaliya nooc kasta ay yihiin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com