Kismaayo(AGGM) Ciidamadda jabhadda raaskambooni ka tirsan ayaa la sheegayaa inay xaafad ka mid ah magaalada kismaayo dhigteen dhawr isbaaro,waxaana la xaqiijinaya in ciidamadaasi ay sheegeen inaysan wax mushahar ah qaadan mudooyinkii u dambeeyey,ciidamadan ayaa dhawr meelood oo ka mid ah xaafadda VIA AFMADOW dhigtey dhawr jidgooyo isla markaasna diiday inay gaadiidka xaafadda ku socdaa galaan.
Horjoogashaa ciidamadan ayaa ku doodaya inaysan wax mushahar ah ka qaadan jabhadda raskambooni oo ay ka tirsanayeen muddo dhawr bilood ah isla markaasna dhaqaalaha ka soo baxa dekadda ay ku takri falan ciidamada dawlada kiiniya,waxaana ay sheegeen inaysan aqbaleyn inay wadooyinkaasi furaan ilaa mushaharkooda la siiyo.
Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dawlada federaalka ah ee ku sugan magaalada Kismaayo gaar ahaan Warshadii hilibka ayaa digniin u direy ciidamadaasi isla markaasna ugu hanjabay hadii halkaasi qoraxdu ugu dhacdo inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan isla markaasna ay amaanka magaalada khalkhal ku tahay isbaaro la dhigto wadooyinka shacabku adeegsanayaan.
Saraakisha ciidamada dawlada ayaa sheegey inaysan u dul qaadan doonin in Ciidamo ka tirsan Jahbadda Raaskambooni ay isbaaro dhigtaan gudaha magaalada kismaayo iyagoo sheegey inay ciidamadda dawladu amaanka magaalada Kismaayo xil iska saareen sugistiisa,waxaana ay ugu baaqeen inay ka tagaan isbaarooyinkaasi isla markaasna ku laabtaan dhinaca garoonka kismaayo oo ay ka yimaadeen lana degan yihiin ciidamada kiiniya.
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli maalmihi la soo dhaafay isgaarsiinta magaalada kismaayo gaar ahan mobiladu hawada ka maqnayeen isla markaasna ay dhibaato shacabka ka haysatay. Waxaana talaabadan maanta ee ah gadoodka ciidamadaasi sameeyeen saameyn ku yeelatey gaadiidka dadweynaha ee xaafadaasi gala,taasi oo cabasho shacabku ka muujiyeen.
Ugu dambeyntii waxa gadoodkani imaanayaa xilli Horjoogaha Raskambooni uu magaalada kismaayo maanta ka dhoofey isagoo u duuley dalka kiiniya oo dacwad ay uga furan tahay taasi oo ah inuu ku lug lahaa dooni hub siday oo Yemen ka xiratey. Dhinaca kale lama oga hadii ciidamadaasi meesha sii joogaan in ciidamada dawladu talaabo ka qaadayaan iyo in kale.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com