Booliska Magaalada Nairobi Oo Xabsiyada U Taxaabay Soomaali Badan

0

islii1-300x2111Nairobi(AGGM) Hawlgal ilaa maanta duhurnimadii socday ayaa la sheegayaa inay ciidamada booliska magaalada nairobi gaar ahaan xaafada isli ku soo qabqabteen boqolaal ruux oo soomaali ah kuwaasi oo la sheegey inay sharci darro ku joogeen gudaha magaalada Nairobi,waxaana la xaqiijinayaa inay dadka qaarkood ka qaadanayeen lacago laaluush ah.

Ciidamada booliska ayaa la sheegey inay wateen gaadiid badan oo shabaqlayaal ah kuwaasi oo ay ku daabulayeen dadka soomaalida ah ee ku sugan xaafada isli,waxaana wararku sheegayaan inay sii daynayeen dadka sharciga haysta iyo cidii lacago laalush ah bixisa,waxaana arrintaasi aad uga xumaday shacabka soomaaliyeed ee ku nool xaafada isli.

Ciidamadan ayaa ugu hanjabaya dadka inay geynayaan maxkamad isla markaasna ay u gudbin doonaan wixii bilaa sharci ah xeryaha qaxootiga ee ku yaala dhadhaab ,waxaana arrintaasi walaac xoogan ka muujinaya soomaalida ku dhaqan xaafada islli ee ganacsiyada ku leh xaafadaasi oo sheegey inay niyad jab ku tahay talaabadaasi.

Hawlgalkan ayaa la sheegayaa inuu socon doono maalmaha soo socda iyadoo laag cabsi qabo in dadkaasi qaarkood loo geysto kufsi iyo dhac oo ay ciidamada booliska kiiniya inta badan kula kacaan shacabka soomaalida ah ee ku nool xaafada islli,waxaana taalabadaasi tahay mid ay dadka soomaalida ahi walaac ka muujiyaan.

Ugu dambeyntii waxa talaabadan saaka ay qaadeen ciidamada booliska kiiniya imaanayaan xilli ay dawlada kiiniya iyo QM sheegeen inay qaxootiga soomaalida ah dib ugu celiyaan gudaha dalka soomaaliya iyagoo la kaashanaya dawlada federaalka ee soomaaliya oo iyadu sheegtey inay dib u dejin u sameynayso soomaalida qaxootiga ah ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga ee dhadhaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduu

Allgalgaduud@gmail.com