Warsaxafadeed: Ergeyga Cusub Ee Qaramada Midoobay Oo Yimid Magaalada Muqdisho Si Uu u Taageero Nabadda Iyo Xasiloonid Soomaaliya

0

Nick Kay PHOTOMuqdisho(AGGM)  Ergeyga Gaarka ah ee cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay (SRSG), Nicholas Kay, ayaa maanta yimid Soomaaliya is uu ula wareego waajibaadka xilkiisa, isagoo ah madaxa xafiiska cusub ee siyaasadda Qaramada  Midoobay, oo la yiraahdo Hawlgalka Qaramada  Midoobay u qaabilsan Kaalmada Soomaaliya (UNSOM).

Markuu yimid, SRSG Kay wuxuu yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan imaado magaalada Muqdisho iyo inaan helo fursad aan ku taageero Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed si nabad, amni iyo barwaaqo dib loogu soo dabbaalo Soomaaliya.”

“Soomaaliya waa dal sharaf weyn lehna taariikh qotodheer, lehna dhaqan nool iyo qiyam adag. Marnaba ma illaabi doono arrintan aan soo sheegay intaan ku jiro taageeridda Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed oo nabad u ooman.”

“Waxaan bogaadinayaa Dr. Mahiga iyo Shaqaalihii UNPOS, kuwaasoo gutay hawshooda, kuna faani kara guulaha ay soo hooyeen. Maanta waxaa billowday waa cusub oo u baryay Qaramada Midoobay iyo UNSOM oo ah hawlgal cusub.”

“Arrintan waxay Soomaaliya u tahay fursad taariikhi. Dadka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay wax weyn fishaan. Markaa annagana waa inaan han weyn lahaanaa. Waxaan ku hanweynahay oo aan rajaynaynaa in doorasho la qabto sannadka 2016. Caqabadaha na horyaalla aad bay u badanyihiin laakiin waa inaan aad u shaqeynaa si aan fursadda uga faa’ideysano.”

“Maalmaha soo socda waxaan la kulmi doonaa Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud iyo Dowladdiisa, waxaa kaloon la kulmi doonaa madaxda AMISOM iyo

IGAD iyo saaxiibada  kale ee fara badan oo hawlan taageerada waddanka, gaar ahaan bulshada rayidka Soomaaliyeed.”

“Waxaan daneynayaa inaan xiriir adag la sameysto dhammaan dadka ka shaqeynaya maslaxada Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed. Marka ugu horeysa, shaqaalaheena waxay saldhig ka dhigan doonaan magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Baydhabo, waxaana ka go’an inay la shaqeeyaan dhigooda ee Soomaaliya.”

“Dadka Soomaaliyeed waxay Qaramada Midoobaay weydiisteen wadashaqyen cusub oo waafaqsan rabitaankooda. Wax qabadka Qaramada Midoobaay wuxuu noqon doonaa mid aad u midaysan loona wada dhanyahay, lehna waxtar dheeraad ah – kuna saleysan mabadi’da wada shaqeynta dhabta ah ee Ururka Midowga Afrika iyo saaxiibada Soomaaliya ee kale. Bulshada caalamku waxay aqoonsatay arrintan iyadoo u soo mareysa taageerada ay u fidinayso UNSOM.”

Ergeyga Qaramada Midoobay wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Aniga shakhsi ahaan, waxaan si aad ah u aaminsanahay hawlgalkan, waxaana ku hanweynahay hawsha bilaha soo socda.”

UNSOM waa xafiis cusub oo ah hawlgal siyaasadeed ee Qaramada Midoobaay, oo hawshiisa billaabay maanta. Waxaana xilkiisa ka mid ah inuu taageero dhismaha qaranka iyo nabadeynta, wuxuuna xoogga saaraya dowlad wanaagga, dibuhabeyn hay’adaha amniga, sharciga iyo kala dambeynta, xuquuqda aadanaha, dhexdhexaadinta, dibuheshiisiin siyaasadeed iyo isuduwidda kaalmada caalamiga.

Md. Kay wuxuu horey u ahaan jiray Agaasimaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortoyada Ingiriska, jagadaasoo uu hayey ilaa iyo sannadkii 2012. Jagadan ka hor wuxuu safiir ka ahaa Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Kongo sannadihii 2007-2010 iyo Suudaan sannadihii 2010-2012. Wuxuu kaloo ahaa isuduwaha arimaha Koonfurta Afghanistan ee Dowlada Ingiriiska, iyo madaxa kooxda dibudhiska Gobalka Heldmand sannadihii 2006-2007.

Billowgii shaqadiisi ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Md. Kay wuxuu ka soo shaqeeyey jagooyin la xiriira siyaasadda iyo waddamada. Sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyay waddamada Spain iyo Cuba.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com