Falaagada Al Shabaab Oo Nin Ay Ku Eedeysay Sixiroole Ku Dishay Deegaanka Kamsuuma.

0

goowracKismaayo (AGGM): Maleeshiyada Falaagada arxanka daran ee Al Shabaab ayaa waxaa la sheegayaa in shalay gelinkii dambe deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubadda Hoose ku dishay nin ay ku eedeysay in uu ahaa sixiroole.

Ninka la dilay ayaa da’diisa lagu sheegay 50 jir, waxaana ay maleeshiyadu sheegtay in uu dilay 10 qofood oo dilkooda uu u adeegsaday sixir, isagoo isticmaalaya masas iyo yaxaas.

Goob-joogayaal ku sugnaa goobta lagu dilayay ninkan, codsadayna in aan magacyadooda la adeegsadan ayaa Warbaahinta u sheegay dhacdada, iyagoo tilmaamay in lagu soo khasbay ka qeybgalka fagaaraha lagu dilayay marxuumka.

Maxkamadda goowraca shacabka ee falaadaga Al Shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa xukunka ku dhawaaqday.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay falaagada arxanka daran ee al Shabaab ay disho nin ay ku eedaynayso  in uu yahay sixiroole.

Isku soo wada duuboo deegaanka Kamsuuma waxa uu 90 km waqooyi bari ka xigaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com