Wasiirka Gashaandhiga Oo Ka Hadlay Isgaarsiinta Kismaayo Oo Hawada Ka Maqan,Sheegeyna In Shacabku Dawlada Tageersan Yihiin

0

fiqi2Muqdisho(AGGM) Wasiirka Gashaandhiga dawlada federaalka ee soomaaliya Mudane Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa si kulul maanta mar uu BBC-da ka hadlayey ayaa sheegey in arrinta kismaayo tahay mid xun isla markaasna dhibaato xun soo food saartey shacabka soomaaliyeed,waxaana uu sheegey in dhibaatada ugu badani shacabka ha haysto isgaarsiin la,aanta.

Wasiirku waxaa uu sheegey inuu aad uga xun yahay isgaarsiinta hawada ka maqan gaar ahaan Mobiledda oo uu ku tilmaamay inay shacabku lacagaha ku keydsadaan,waxaana uu sheegey in marka isgaarsiinta hawada laga saaro shacabku noqonayaan kuwo aan wax lacag ah haysan isla markaasna aan awoodin inay hal kiilo oo sonkor ah soo iibsadaan.

Sidoo kale waxaa uu wasiirku shaaciyey inaysan aqoon talaaabada ku kalifeysa kooxaha siyaasada Kismaayo isku haysta ay hawada ka saraan khadka telefoonka,waxaana uu sheegey in arrrintaasi tahay mid laga xumaado isla markaasna u baahan in laga daayo shacabka dhibaatada xun ee haysta,waxaana uu sheegey in shacabku ku dhiban yihiin isgaarsiin la,aantaas.

Waxaana uu yiri ” Waxaan indhahayga saarey qof aan ahaysan cunto ay cunaan isla markaasna mobiledda lacagtu uga buuxo,waana dhibaato laga naxo maadama isgaarsiintu hawada ka baxdayna waxaa dhibka ugu daran haystaan shacabka kismaayo ee masaakiinta ah,waan dhibka shacabka laga dhaafaa ,isgaarsiinta bilaa ujeedka loo daminayana layska dhaafaa oo shacabka loo daneeyaa”.

Dhinaca kale waxaa uu wasiirku daboolka ka qaaday in dhamaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada jubooyinka ay tageersan yihiin dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana uu sheegey in shacabkaasi u baahan yihiin in gurmad loo fidiyo si xaaladaha cakiran ee haysta looga saaro.

Si kastey ahaataba waxaa hadalkani imaanaya xilli ay magaalada kismaayo maalintii 5-aad khadka mobiledu hawada ka maqan yihiin iyadoo kooxaha isku haystaa  siyaasada kismaayo ku amreen inay damiyaan ilaa amar dambe,waxaana talaabadaasi aad uga xumaaday shacabka reer kismaayo oo dhibaato la soo deristey.

Iska Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com