Muqdisho(AGGM) Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Jamaal Maxamed Barrow ayaa maanta ka hor akhriyay Xubnaha golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sharciga shaqada Arrimaha dibadda ( Foreign Service Low) , kaasoo Wasaaraddu ay diyaarisay , kuna dooneyso dib u yagleelidda hab raac diblomaasiyadeed oo xilliyeynaya xilalka diblomaasiyadda iyo habka shaqo iyo shaqaale ee Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Soomaaliya ee dibadda .
Dr. Jamaal Barrow ayaa waxa uu yiri “ waxaan ka codsaneynaa Xubnaha sharafta leh ee Baarlamaanka inay ansixiyaan sharcigan oo suuragelin doono dib u habeynta Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha , kalana hagi doono shaqooyinka howlwadeenada kala duwan ee dibadda, suuragelin doonana in xilalka diblomaasiyadeed loo magacaabo dad xirfadda yaqaana, una tababaran , si loo raad-raaco balan-qaadyada iyo heshiisyada ay la saxiixato dowladdeena dowladaha iyo ururada kale , waxa ayna taasi horseedi doontaa in sare uu u kaco sumcadda muwaadinka Soomaaliyeed “.
Wasiir kuxigeenka waxa kale uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo lixdii bilood ee ugu dambeysay guulo wax ku ool ah ka gaartay hanaanka siyaasadda dibadda , ay ka rajeyneyso baalamaanka inuu ansixiyo sharcigan oo sidoo kale suuragelin doona in qarashaadka lacageed ee ay soo xareeyaan Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha ay la wareegto Wasaaradda Maaliyadda , taasoo qeyb ka noqon doonta daqliga qaranka ee lagu jaan-gooyo miizaaniyadda .
Xildhibaanada baarlamaanka oo fadhigooda maanta uu shirgudoominayay gudoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa ay su’aalo kala duwan weydiiyeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga oo isna si saraaxad leh uga wada jawaabay , iyadoo hoolka kulanka ay dhinac ka fadhiyeen Sharciyaqaano Wasaaradda ka tirsan.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com