Muqdisho (AGGM): Ciidamada midowgga Africa AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saakay howlgal ballaaran ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka ku dhaqan degmada Wardhiigley oo siweyn howlgalku uga socdo.
Ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa booliiska iyo nabad-sugida dowladda Soomaaliya ayaa saakay ku jarmaaday xaafaddaha degmada Wardhiigley ee gobollka Banaadir oo howlgalka xoogiisa laga wado.
Dadka ku dhaqan xaafaddaha u howlgalku ka socdo ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada guri guri u baallaarayaan xaafaddaha degmada, sidoo kalana qab qabasho ku hayaan dadka ay ka shakiyaan haba ugu badnaadaan dhalinyarrada.
“Waabarigii hore ee saakay annaga oo hurudna ayaa naoo soo garaacay ilinka, ciidamada ayaa baarayay guryaha, dhalinyaradana waa kaxeysanayeen”ayeey warbaahinta u sheegtay qof durma ah oo ku sugan mid ka mid ah xaafaddaha degmada Wardhiigley.
Ciidamada booliska, Nabadsugida iyo ciidamada AMISOM ayaa howl galkan qeyb ka ah, waxaana ay sheegeen inay raadinayaan xubno ka tirsan Al-shabaab oo guryaha ku dhuumaaleysanaya.
Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in howl gal gur guri ay ka sameynayaan magaalada, si ay ammaanka u xaqiijiyaan, ayna uga hortagaan falalka amni daro.
Howlgalada socda ayaa ah kuwo ciidamada ay ka sameynayaan guud ahaaba degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo dhowr degmo howlgal laga sameeyay maalmihii la soo dhaafay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com