Madaxweyne Bare Hiiraale 11 Qodob Ka Soo Saarey Damaca Axmed Madoobe Ee Kismaayo

0

barre-hiiraaleKismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire Hiiraale ayaa  shaaca ka qaaday qodobo uu ku fashilinayo damaca Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo & guud ahaan gobollada Jubooyinka,waxaana uu sheegey in qodobadaasi yihiin kuwo laga damacsan yahay in la dhaqan galiyo balse uu sheegey inuu arrintaasi wax ka qaban doono.

Madaxweyne  Barre waxa uu Daboolka ka qaaday in Magaalada Kismaayo uu Axmed Madoobe ka damacsan yahay Siyaasaddo badan oo salka ku haaya Fulinta Rabitaanka Kenya,Waxaana uu shaaciyey in aanay arrintaasi u suuro gali doonin Axmed Madoobe iyo kooxdiisa.

Waxa uuna sheegay inuu doonaayo inuu Axmed Madoobe sameey sida:-

1- In isaga iyo Kenya ay isku raaceen in Kismaayo la raaciyo Dalka Kenya.

2- Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe iyo Dowladda Kenya ay kala saxiixdeen in Biraha iyo qalabka Dekada Kismaayo loo raro Kenya.

3- Waxa ay ku heshiiyeen in Dhaqaalaha Dekada kasoo xaroodo ay Dowladda Kenya qaadaneyso 80%.

4- Waxa ay ku heshiiyeen in Saraakiisha iyo Ciiddamadda Raaskambooni lagu biiriyo kuwa Kenya.

5- In Taliyaha guud ee Ciiddamadda Jubbaland ay soo magacawdo Dowladda Kenya.

6- In Shacbiga Asal ahaan kasoo jeeda Kismaayo ay qaatan Sharcida Kenya, loona aqoonsado inay yihiin dhalat Kenyaatti ah.

7- Waxaa la kala saxiixday In Jubbaland aysan ka dhici dooni wax doorasho ah, isla markaana Madaxweynaha Rasmiga ah uu ahaan doono Axmed Madoobe.

8- In is-bedel waliba oo dhaca uu saameyn doono Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland iyo Xubnaha kale.

9- In Maamulka Jubbalan garabka Axmed Madoobe uu xili waliba u dhaga nuglaan doono Awaamirta Kenya.

10- In Shaqaalaha iyo Nabadsugida Garoonka Kismaayo uu noqon doono Ciiddamo laga soo xulay Kenya.

11- In Deegaanada Kismaayo laga saaro ama aan lagu arkin wax Ciiddamo ka tirsan Dowladda Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, 11-ka Qodob ee kor ku xusan ayaa waxa ay soo dadajisay in Col. Barre Hiiraale uu si qasab ah ku galay Kismaayo isla markaana sheegay inuu bad-baadinaayo Dhulka iyo Shacbiga halkaasi ku nool isagoona sheegay inuu laadi doono Hamiga uu damacsan yahay Axmed Madoobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com