Muqdisho(AGGM) Allaha u naxariistee Xuseen C/llaahi Cumar oo ahaa gudoomiyihi degmada Hawlwadaag ee magaalada Jowhar ayaa hadda la xaqiijinayaa inay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Jowhar xilli uu saaladii cishe ka soo baxay,waxaana la sheegayaa inay dilkiisa fuliyeen koox aan haybtooda la aqoonsan.
Kooxda dilka geysatey ayaa la sheegayaa inay tiradoodu ahayd laba ruux oo ku hubeysnaa Bistoolado waxaana la sheegey inay rasaas kaga dhufteen qaarka sare ee jirkiisa taasi oo sababtey inuu isla markiiba goobtaas ku geeriyoodo,ciidamada dawlada ayaa la sheegeyaa inay halkaasi soo gaareen inkastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen dilka marxuumkaasi.
Alle ha u naxariistee Xuseen Cabdilaahi Cumar ( Xuseen Jicib ) ayaa ahaa dhalinyaraddii magaalada Jowhar isla markaasna ka mid ahaa bahda isboortiga magaalada Jowhar,Waxaana dhawaana dhawaan loo magacaabay inuu noqdo gudoomiyaha degmada Hawlwadag ee magaalada Jowhar isagoo la sheegey inuu si wanaagsan xilkaas uga soo baxay intii uu hayey.
Dhamaan goobaha ganacsiga magaalada Jowhar ayaa albaabada loo laabay,waxaana ciidamadu dawladu wadaan baaritaano ku aadan ciddi dilkaasi ka dambeysay walow la aaminsan yahay inay kooxda Alshabaab dilkaasi fuliyeen maadama ay ka soo horjeedaan maamulada dawlada soomaaliya u magacawday Magaalada Jowhar.
Ugu dambeyntii waa mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo la dilo, tan iyo markii dhamaadkii sanadkii hore ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda la wareegeen Jowhar. Waxaana arrintaasi aad uga xumaaday shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar oo sheegey inay ka xun yihiin dilka masuulkaasi loo geystey.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com