War Deg Deg Ah: Isgaarsiintii Magaalada Kismaayo Oo Hawadda Laga Saaray.

0

breaking-newsKismaaayo(AGGM) Wararka laga helayo magaalada kismaayo ayaa sheegaya in gebi ahaanba isgaarsiintii kala duwanayd ee ka shaqeyn jirtey gudaha magaalada kismaayo gabi ahaanteeda hawada laga saarey,waxaana arrintani ku soo beegmayaa xilli wararka qaarkood sheegayaan inuu halkaasi gaarey Madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole.

Sidoo kale waxaa maalintii labaad magaalada kismaayo ka socda kulan u dhexeya weftigii dawlada soomaaliya ka socday ee ku sugnaa magaalada kismaayo isla markaasna shalay gudaha u galay magaalada kismaayo ka dib laba maalmood oo ciidamada dawlada kiiniya mu xayireen gudaha garoonka diyaaradaha.

Wasiiradda oo uu hormuud ka yahay Wasiirka Gashaandhiga,wasiirka warfaafinta & xubno kale oo la socda ayaa shalay iyagu gudaha u galay kismaayo isla markaasna soo kormeeray xarumaha ciidamada dawladu degan yihiin,balse maanta waxaa la sheegayaa inay kulamo muhiim ah la qaadanayaa kooxaha isku haya siyaasada magaalada kismaayo Sida Axmed Madoobe iyo Col Bare Aadan Shire.

Dhinaca kale waxaa hawada laga saarey isgaarsiintii magaalada kismaayo,waxaana caado ah in hawada isgaarsiinta laga saaro marka ay wefti imaanayaa magaalada kismaayo,waxaana lagu wadaa inuu xaqiiq yahay warka sheegaya inuu Faroole ka degay magaalada kismaayo isagoo markii uu garoowe ka ambabaxayey shaaciyey inuu duulayo Nairobi.

Ciidamada dawladda soomaaliyaa la sheegey intii aysan isgaarsiintu hawada ka bixin inay ku sugnaayeen wadooyinka waa weyn magaalada kismaayo isla markaasna baaritaano dheeri ah ku hayeen gaadiidka imaanaya dhinaca garoonka diyaaradaha iyo dekadda,waxaana arrintaasi ka dambeysay markii wararka qaar sheegeen inuu Madaxweyne Faroole ka soo degay kismaayo.

Inta badan waxaa isgaarsiinta hawada ka saara ciidamada dawlada kiniya oo goobaha isgaarsiinta ku war geliya inay damiyaan dhamaan matooradda shirkadaha mudo kooban,waxaana talaabadaasi tahay mid ay kaga cabsi qabaan in qaraxyo lala beegsado wadoyinka ay marayaan oo inta badan qaraxyadaasi loo adeegsado mobeeladda.

Ugu dambeyntii lama ogaan karro xilliga isgaarsiinta magaalada kismaayo dib hawada ugu soo laaban karto iyadoo laga yaabo inay saacadaha soo socda hawada dib ugu soo laabato,waxaana arrintaasi dhibaato ka qabsataa inta badan shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com