War Deg Deg Ah: Dawlada Soomaaliya Oo Beenisay War Maanta Saxafadu Baahisay

0

logo_squareMuqdisho(AGGM) Wasiiru Dawlaha Madaxtooyadda soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir oo galabta saxafada ka hadlay ayaa si aad ah u beeniyey warar sheegeyey inuu Madaxtooyada ka soo baxay isla markaasna uu ku saxeexnaa Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Warkaasi ayaa ahaa in madaxweynaha dawlada soomaaliya uu digniin u direy ciidamada dawladahaa itoobiya iyo Kiiniya kaasi oo ku aadanaa in ciidamadooda ay kala baxaan dalka soomaaliya muddo gaareysa 48 saacadood isla markaasna ay ku laabtaan xaduudka ay la wadagaan soomaaliya.

Wararkaasi waxaa galabta si aad u u beeniyey wasiiru dawlaha Madaxtooyada Mudane Faarax Cabdulqaadir,waxaana uu sheegey in warkaasi uu yahay mid been abuur ah isla markaasna dawladu baaritaano ku wado inay gacanta ku soo dhigto kooxihii warkaasi faafiyey,waxaana uu sheegey inay dabagal ku hayaan dadkii waxaasi ka dambeeyey.

Sidoo kale waxaa uu sheegey in dawladaha kiiniya iyo itoobiya ay soomaaliya wada leeyihiin xiriir aad u wanaagsan isla markaasna ay dawlada soomaaliya ka caawiyaan la dagaalanka Alshabaab,waxaana uu shaaciyey inaysan macquul ahayn in ciidamadaasi hadda ka baxaan dalka soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa uu hadalkan imaanayaa xilli maanta saxafad aad u badan warkaasi shaacisay iyadoo Radio-yaasha magaalada muqdisho si toos ah looga dhageysanayey warsaxafadeedkaasi oo dawladu ku tilmaamtey mid been abuur ah isla markaasna ay abuureen dadka dawlada ka soo horjeedaa,waxaana uu sheegey Wasiiru dawlaha Madaxtooyada in dadkii waxaasi faafiyey lagu dabo jiro.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com