Kismaayo (AGGM):Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ka socday dalka Siiraliyoon ay soo gaareen magaalada Kismaayo.
Waxaa Dekeda magaalada Kismaayo ku soo xirtay laba markab oo mid uu sido qalab ciidan iyo kan kale oo sida ciidamo lagu sheegay inay gaarayaan 400 oo askari.
Ilaa hadda markabka u sida ciidamada Siiraaliyoon ayaa waxaa laga dejiyay 100 gaadiid oo isugu jira kuwo dagaal iyo ku gurmadka dag dag ah.
Dhinaca kale waxaa weli hawada ka maqan isgaarsiinta magaalada Kismaayo, waloow ay shaqeenayaan telefoonada aysan maamulin shirkadaha Soomaalida ee ka hoowl gala magaalada Kismaayo.
Isku soo wada duuboo waxaa gudaha magaalada ka socdo kulamo u dhexeeya Ma’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com