Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xafiiska Ku Qaabilay Ergeygii QM Ee Arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga '' Sawiro''

0

Gudoomiyaha iyo Mahiga 2Muqdisho(AGGM) Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wafdi ka socday QM oo uu hogaaminayey ergeygii hore ee arimaha Soomaaliya u qaabilsanaa QM Danjire Augustine Mahiga.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Gudoonka Baarlamaanka ayaa waxa ay ka wada hadleen Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Danjire Augustine Mahiga ayaa waxaa ka mid ah isbedellada hormarineed ee ka jira gudaha dalka iyo guullaha isdaba jooga ah ee ay gaartay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira hormarinta xiriirka caalamka iyo
arimmo kale sida isbedellada amni ee iyagu horseeday in magaalada
Muqdisho laga furo xafiisyada hay’adaha Caalamka iyo Safaarradaha.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulankaasi markii uu soo
gebageboobay la hadlay saxaafadda ayaa sheegay  in Mahiga uu wax badan
soo qabtay waqtigii laga soo baxayay KMG.isagoo sheegay inay ka wada
hadleen iskaashiga Q.M iyo soomaaliya,waxyaabihii u qabsoomay
soomaaliya iyo casharada laga soo bartay.

Danjire Augustine Mahiga oo isna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa
sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari ay isla soo
shaqeeyeen marxaladihii adkaa ee Soomaaliya looga saarayey KMGkii
waxaana uu ku ammaanay sidii hufnaanta laheyd ee uu ulasoo shaqeeyey
mudadaasi adkeyd ee looga soo gudbayey KMGka.

Kulanka uu la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ergeygii hore ee QM u
qaabilsanaa arimaha Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga ayaa kusoo
gebageboobay jawi wanaagsan waxaana ay aheyd bishii hore markii
xafiiska siyaasadda QM ee Soomaaliya UNPOS laga bedelay Danjire Mahiga
oo lagu bedelay Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain.

Gudoomiyaha iyo Mahiga 2Gudoomiyaha iyo Mahiga 3Gudoomiyaha iyo Mahiga 7Gudoomiyaha iyo Mahiga 8

—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya