Col Maxamed Buule : '' Garoonka & Dekadda Kismaayo Waxaa Maamulka Ciidamada Kiiniya, Axmed Madoobe Maamulo ''

0

Somali-Force-in-GedoKismaayo(AGGM) Col Maxamed Buule oo ka mid ah Saraakisha ciidamada dawlada ee magaalada Kismaayo ayaa si xun weeraray Ciidamada kiiniya ee ku sugan magaalada kismaayo & Axmed Madoobe,waxaana uu sheegey in dhibaatada magaalada kismaayo ay masuul ka yihiin ciidamada kiiniya ee ku sugan magaalada kismaayo.

Col Maxamed Buule waxaa uu si cad u sheegey in ciidamada Kiiniya ay maamulaan Garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo isla markaasna laga xisaabtamo diyaarada soo degeysa iyo tan ka duuleysa,waxaana uu meesha ka saarey inuu Axmed Madoobe maamulo garoonka isagoo sheegey inusan Axmed  Madoobe awood u lahayn inuu maamulo garoonka kismaayo iyo dekedda midna.

Waxaana uu yiri ” Anagu ma aqoonsanin Jabhadda Raaskambooni,waxaanu u aqoonsanahay nabad diid isla markaasna ma jiraan meel ay ka maamulaan magaalada kismaayo,waxaana garoonka iyo dekadda gacanta ku haya ciidamada kiiniya oo sidii ay doonaan ka yeela,mana jirto awood axmed madoobe ku leeyahay kismaayo,waxaana uu hoosta kaga jiraa ciidamada dawlada kiiniya oo qaab qaldan ku joogta kismaayo ”.

Waxaa uu raaciyey ” Ciidamada Jabhadda raaskambooni tababar ciidan qabaan mana yaqanaan anshaxa mileteriga iyo ciidamnimada,waxaana ay u baahan yihiin in dhaqan celin loo sameeyo si ay u noqdaan ciidamo rasmi ah oo dawlada ka tirsan, hab dhaqankoodu mahan mid ciidan ”.

Sidoo kale Col Maxamed Buule waxaa uu sheegey in ciidamada dawlada soomaaliya kismaayo inteeda badan ay gacanta ku hayaan isla markaasna Jabhadda raaskambooni ay ku sugan yihiin xaafad ka mid ah magaalada kismaayo,waxaa kale oo uu xusay inay garoonka iyo dekadda ay maamulayaan ciidamada dawlada kiiniya ee nabad ilaalinta u jooga magaalada kismaayo isagoo xusay inaysan kiiniya nabad ilaalin u joogin kismaayo balse danno gaar ah ka leedahay.

Ugu dambeyntii Sarkaalkan waxaa uu daboolka ka qaaday in ciidamada dawladu ay isu diyaarinayaan sidii ay amaanka magaalada kismaayo gaar ahaan goobaha muhiim ah u xaqiijin lahayeen isla markaasna ay amaan uga dhigi lahayeen guud ahaan gobolka jubadda oo dhan.

Samsam Cabdi Yuusuf

Kismayo,Jubadda Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com