Beeraleyda Degmada Buurdhuubo Oo ka Cabanaya Cayayaan.

0

ayaxBuurdhuubo (AGGM): Beeraleyda degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo ayaa cabasho ka muujiyay cayayaan baabi’inaya dalagyada ay beertaan, marka la gaaro xiligii ay goosan lahaayeen.

Cabdullaahi Macallin Aadan oo ka mid ah beeraleyda degmada Buur-dhuubo ayaa Warbaahinta u sheegay in ay soo bateen cayayaannada waxyeellada u geysta abuurkooda.

Cabdullaahi ayaa sheegay in sidoo kale aysan helin beeraleyda degmadaasi cid ka caawisa tabcashada beeraha ama talabixin ka siisa xilliyada ku habboon abuurka, isagoo dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay ka caawiyaan beeraleyda sidii ay ula dagaallami lahaayeen cayayaanka.

Beeraha degmada Buur-dhuubo ayaa laf-dhabar u ah dhaqaalaha gobolka Gedo.

Beeraleyda degmadaasi ayaa inta badan waxay beeraan liinta, bataatiga iyo galleyda, inkastoo maalmihii ugu dambeeyay ay ka cabanayeen cayayaan baabi’in  ku haya abuurkooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com